Garoowe (RBC RADIO) Ururada ku bohoobay dallada (Punsaa) ee aan Dowliga ahaynee Puntland ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku xuseen in Dallada ay kaalin lixaad leh ka qaadatay ololihii loogu jiray hirgelinta Nidaamka Asxaabta badan ee la hakiyay, Kusimaha Gudoomiyaha PUNSAA Huruuse Cabdi wuxuu saxaafada u sheegay in Punsaa qayb weyn ay ka qaadatay arimaha doorashooyinka ayna taktay Gobol walba oo Puntland ka tirsan si bulshada looga dhaadhiciyo Dimuqraadiyada, waxayna Dalladu Warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay Taageero ay u heyso Go’aankii Puntland ee ku aadanaa joojinta Doorashooyinka, Tacsiyeyn cidii ku wax yeeloobay shaqaaqooyinkii dhacay iyo Hogatusaaleyn ku aadan waxa intaasi xiga, Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka oo dhameystiran.
WAR SAXAAFADEED:
Puntland Non State Actors Association (PUNSAA)
Dallada Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn ee PUNSAA waxay taageero la garab taagnayd Barnaamijka Geeddi Socodka Dimuqraadiyeynta Puntland, Tan iyo intii la bilaabay iyadoo wacyi gelin iyo baahinta barnaamijka ka qabatay dhamaan gobolada Puntland, si firfircoonna uga qayb-qaadatay baahintii iyo ansixintii Dastuurka Puntland, gacan muuqata ka gaysatay unkidda siyaasad saxaafadeed oo si dumuqraadi ah loo diyaariyey taas oo xoriyadda muwaadinka iyo saxaafaddaba damaanad qaadaysa ayaa sidoo kale PUNSAA waxay u diyaarisay 60 goob-jooge oo kormeerayaal dhexdhexaad ah ka noqda barnaamijka doorashooyinka kana soo war bixiya qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah ee dhamaan goboladda iyo degmooyinka Puntland. PUNSAA shaqooyinka ku aadan Hannaanka Geeddi Socodka Dimuqraadiyeeynta waxay si dhow ugala shaqaynaysay xiriirna la lahayd, Guddiga doorashooyinka, ururradda siyaasada, iyo dhamaan daneeyayaasha barnaamijka Geedi Socodka Dimuqraadiyeynta Puntland ugana mahad celinaysaa wada shaqayntii wanaagsanayd ee ay qaybahaasi u muujiyeen PUNSAA intii ay wada shaqaynayeen.
TAAGEERO GO’ANKA:
PUNSAA waxay tageersantahay bogaadinaysaana madaxwaynaha Puntland go’ankii geesinimada, waddaniyada iyo mas’uuliyadu ku dheehnayd ee uu ku joojiyey doorashadda golayaasha deegaanka ee ku mudaysnayd luuliyo 15th 2013. TACSI: PUNSAA waxay tacsi u diraysaa dhamaan dadka Puntland gaar ahaan eheladii &qaraabadii iyo asxaabtii ay kaga geeriyoodeen ama wax kaga soo gaareen shaqaaqooyinkii ka dhacay Qardho, Galkacyo, Boosaso, Baran iyo meeshii kale ee Puntland ah, waxaana leedahay illaahay ha u naxariisto intii ku dhimatay samir iyo iimaanna allaha inaka siiyo dhaacana allaha bogsiiyo.
BAAQ- NABADEED
Bulsho waynta reer Puntland waxay ku caana maaleen nabad iyo xasilooni & dulqaad taas oo ay sal u ahayd dawlad hano-qaaday, isu-tanaasul, dulqaad iyo dadaalka xeerbeegtida salaadiinta nabadda jecel ee reer Puntland, Puntland waxay leedahay cadow badan oo banaanka iyo gudahaba jooga, hadaba inkasta oo uu jiro khilaaf iyo kala feker duwaansho siyaasadeed xilligan, PUNSAA waxay ku baaqaysaa in laga wada shaqeeyo Amniga Guud iyo xasiloonida Puntland.
Haddaba waxaannu ku boorinaynaa dhamaan siyaasiyiinta, waxgaradka iyo shacabka reer Puntland in ay u midoobaan, Nabadda, jiritaanka iyo xasiloonidda Puntland iyaga oo khilaafka ku xalinaya si nabadgalyo, xasilooni iyo wadatashi ku dhisan.
BARNAAMIJKA GEEDDI SOCODKA:
In kastoo ay caqabaddo lasoo darseen barnaamijka geedi socodka demoqraadiyeynta Puntland haddana waxaa jira guulo wax ku ool ah oo uu gaaray, sida; Diyaarinta siyaasadaha, anshaxyada, hagayaasha doorashooyinka iyo diyaarinta goob joogayaasha maxalliga ah, fidinta iyo baahinta nidaamka doorashooyinka, qalabaynta xafiisyada doorashooyinka, tabobarista shaqaalaha doorashooyinka heerdegmo iyo diyaarinta agabkii doorashada hadana waxaad moodaa in barnaamijku uu tabayo waqtiga oo yaraa uuna hakiyey kala duwanaanshaha aragtida sidyaasadda.
TALO SOO JEEDIN (MUSTAQBALKA DIMOQRAADIYEYNTA PUNTLAND):
PUNSAA oo ka duulaysa baahidda bulsho weynta reer Puntland u qabto in laga guuro siyaasada qabiilka ku salaysan, xog-ogaalna u ah dadaalkii iyo diyaar-garowgii hore loogu talaabsaday si loo qabto doorasho hal-qof iyo hal-cod ah, PUNSAA waxay ku baaqaysaa in dhamaan dawladda, isimadda, ururada siyaasada, bulshada rayidka, aqoon yahanada iyo waxgradka Puntland in ay ka tashadaan sidii loo sii wadi lahaa barnaamijka domoqraadiyeynta Puntland oo ah kii ay bulshadu horay ugu socon lahayd kagana gudbi lahayd ismaamulka qabiilka ku dhisan oo curyaamiyey Puntland soomaali wayna ay tusaale ugu noqon lahayd. waxaanu soo jeedinaynaa in aan laga harin Barnaamijkii Geeddi Socodka Dimuqraadiyeynta ee laga fakero xal isu soo dhowaynkara siyaasiyiinta ku kala aragtidda duwan barnaamijka iyo sidii dib u saxid loogu samayn lahaa loona hormarin lahaa dhaliiliha iyo dal-daloolada barnaamijka soo wajahay. Bulshada caalamka waxaan uga mahadcelinaynaa sidii wanaagsanayd oo ay u garab istaageen una caawiyeen Barnaamijka Geedi socodka Dimoqraadiyeynta Puntland, Soona gaarsiiyeen halka uu hadda marayo, sidaa daraadeed waxaan ku dhiiri galinaynaa inay halkiisii ka sii wadaan taagarada.
MAHADSANIDIN.
RBC RADIO