Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Shir looga hadlayo ammaanka Puntland oo Garoowe ka furmay

$
0
0

150

Garowe[RBC Radio]Magaaladda Garoowe ee xarunta Puntland waxaa maantey ka furmey shir lugu wado inuu socdo muddo saddex maalin ah logana hadli doono adkeynta ammaanka deegaanada Puntland.

Shirkaan oo ka furmey xarunta wasaarada Amniga Puntland waxaa soo agaasintey hay’adda UNDP waxana goob joog ka ah shirka saraakil sar sare oo kasocdey UNDP,dhinaca Puntland waxaa shirka ka qeyb galaya madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen, Cabdisamad Cali Shire iyo wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan.

Xubno kasocdey laamaha kala duwan ee wasaarada iyo ammaanka Puntland oo garaya illaa 50-ruux ayaa kasoo qeyb galey shirka.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo dahfurki shirka hadal ka jeediyey ayaa sheegey in shirkaan uu quseyo sidii loo melenlaha adkeynta iyo xoojinta ammaanka deegaanada Puntland,waxana uu sidoo kale umahadceliyey hay’adda UNDP oo xubnaha kasocdey ee shirka ka qeyb galey waxana uu sheegey in had iyo goorba UNDP gacan ay ka geesato adkeynta amniga Puntland.

Nick Presford oo u hadley xubnihii matalayey UNDP ayaa isna dhinaciisa sheegey inay marwalba ku dadaalayan sidii amniga Puntland uu uwanagsanan laha islamarkana ay doonayan inay arkan ammaanka Puntland oo lugu naalonayo.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire oo isna hadal ka jeediyey shirka ayaa sheegey inay laga marmantahay in wax la iska weydiyo amniga Puntland maadama sida uu sheegey ay jiran kooxo kasoo horjeda ammaan ka dhasha deegaanada Puntland,halka uu soo hadal qadey inay Puntland ledahay cadowyo badan oo gudaha iyo dibadab ah.

Cabdisamad Cali Shire ayaa sidoo kale sheegey in shirkan loga fadhiyo qorshayal wax ku ool unoqon kara ammaanka Puntland.

Mudaddaan saddexda maalin ah ee uu shirka socdo ayaa logu wada in lugu gor fooye sida loo hagajinkaro lona xakameen karo ammaanka Puntland.
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles