Dr Baadiyow Xaquu La Bururaye Baadil Yaan Loogu Af Celin
Qalinkii Caaqil Saciid Yusuf
Gamadiid77@gmail.com
Luulyo 22 2013
Waxaan la fariistay,…iswareysanay,… aragtida Soomaali u dan ah labalisnay, …halka qaloocu ku jiro weydiiyay, …waxa uu xal u arko bidhaamiyay,… wixii lasoo maray damaqeed la olalayay,… waayihii Soomaaliyi Soomaali aheyd xasuusteedii gocanayay,… min Loowyacado, Hargeysa iyo Balidoogle xilalkii uu qaranka ugu shaqeynayay iyo sidii uu u gudanayay Difaaca Dalkiisa iyo Dadkiisa sooyaalkiisii ka muuqdeen,… iyadoo laabtiisii talow kusoo tiri baahidii loo qabay markii Raashiya wadanka laga saarey in uu noqday Injineerkii kaliya ee soomaaliyeed ee sawaariiqda SAM-ka ah aqoonteedii lahaa, masuuliyadeediina qoorta loo suray, IYANA MAALIN BAY AHEYD.
Anoo si hal haleelo ah hadalka uga boobay, ayaan ku hadaaqay, maalintaas sidaad kali ugu aheyd Soomaali daboola baahidaas Raashiyaanku baneeyeen ayaad maantana Banaadir iyo Bulshada Soomaaliyeedba ugu kali tahay in aad daboosho Baahida loo qabo Hogaan xaliya hagardaamada wadanka taal,… iiguse af celi Rag fiican kali kuma ahiye Baarlamaankeena CODKOODA RABOOW CALAF HOWGALIN,… ana iri OO MALAGU KARAYAA in cood uusan u galin codkaan Soomaali in ay danteeda ku baadigoobaan aheyd, …anoo ay u hor yimaadeen xubno Baarlamaanka loo xulay oo sugan la’ in ay toban codeeyaan ayagoo ku hadaaqaya HALI MAALIN BAY CEEL JOOGTAY.
Musharaxiintaan horfariistay xiligii olalaha ba’an socday Muqdisho sanadkii hore, kii ugu bilnaa buu ahaa kan oraahahaas aan is dhaafsiisaneynay, Waa Dr: Baadiyoow, weysuu ku maqnaa markaan xaafiiskiisa soo galay, xogheynadiisii ayaa igu wargashay in aan qadar daqiiqado ah sugo, waa uu ii soo galay asagoo ka tirtiranaya weysadii salaan maxabo iyo kalgacal leh ayaan is dhaafsanay, ma aheyn sida Musharaxiintii kale ruux uu isqaadqaad iyo qoortaagi ka muuqday, danta Soomaaliyeed ayaa uga mudneyd in uu isagu xil helo, dhibaatada soomaali ayaa walbahaar ku heysay, isagoo ay u muuqatay ayaandarada Madaxda Soomaaliyeed haleeshay, waxaan xasuusnaa oo hadalkiisu ka turjumayay tixii qaaliga ahaa ee Maansadii AUN Cismaan Yuusuf Keenadiid ku jiray asagoo Duulkii Madaxdu ka xumaata ka hadlayay waxa ayna aheyd sida hoose:
Ragii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye
Kuwii maqaddimada looga dhigay, waa manfaca-raace
Mar maxaad cuntaan keliya yuu yahay, maqsuudkoode
Nin mushaharo eexeynayaa waa, miskiin dhabahe
Muddiic waxa ka dhigay waa inuu, maarmi-waa yahaye
Mudaafacana seeg iyo inuu, maya yiraahdaaye.
Asna waa Dr Baadiyow’e ma uusan ilowsaneyn tixahaas, waana tan ku qasabtay In sagaashameeyadii uu Canada iyo Caruurtiisii ka doorto Muqdishoo hadaad milicsatid maamahaas qalbi jaleeci lahaa uusan jirin in uu yimaado iskadaaye in uu gadaal u deymoodo.
Waan wada qirsanahay dadaaladii iyo xusulduubkii uu u galay dhalintii intii le’atay maahane intii ka badbaaday Qabqable iyo qaad in uu qalinkii u dhiibay oo yiri Dhalinyaroow RAJADA WAA QALIN, Jaamacada Muqdisho ayuu xabadii dhalinyaro uga soo xareeyay, tanoo min Muqdisho ilaa Boosaaso taxan manta.
Ma tixi karo wanaaga uu dadkii iyo dalka uu u galay, aanse u laabto doorashadii oo Baarlamaankii lasoo xulay Codkoodii mid dan iyo dal ka turjumaya ma noqone Cood bay ka yeesheen, dufana in badan oo ka mid ahi afka ka tirtirte, Monitoring Report-kii 18 July 2013, ayaa daaha ka qaaday, mise awal baanan war ka heyn, ceeb allaha asturo.
Waa Fahmeen Baarlamaanku fariintii Dr Baadiyow ee aheyd sida tixaha Gabyaagii Qaranku AUN Sultan Timocade qabay
Hadafbaa dhismaha baarlamaan, lagu hubeeyaaye
Hadba shicibku caynkuu rabaa, lagu hoggaanshaaye
Mase aysan raacin oo Fuluus baa u diiday, khudbadiisii Musharaxnimo ayuu ku lahaa “Dadoow hadii aan nasiib u helo xilkan hogaankiina ah ma noqonayo wax aan ka aheyn Odayadiina mid ka mid ah, oo hal qabiil (Soomaali mid ah) ayaan kaabo qabiil u noqonayaa” ma ayanse noqon sidaas oo qabiilooyinkii 4.5 ahaa ayaaba in lasii sarifo la rabay.
Mudo hadii qolodii la huwiyay xilka aanan looga dareerin, laguna oran kaligiin celcesha, ee rag doorkii Dr Baadiyow ka mid ahaa uu kula laabtay waxii uu umada la jeclaa, yirina war iga gudooma anigu intaan ayaan wadaye, inkaloo wanaag mudnaydna ay sidoo kale wanaagii ay xambaarsanaayeen miiska saareen, miyaysan mudnayn mahadnaq? taladii wanaagsaneyd iyo waaya aragnimadoodiiba in umada loogu faa’ideeyo, ileyn waxa ay faa’iidada u rabeen waa danta shacab, ma aheyn talo Madaxweyne iyo Raysalwasaare lalahaa dantiinaa ku jidha ee waa mid shacabka Soomaaliyeed loogu gudbi’yay, balse hadii la diidey, mid dan ahna la keeni waayay, miyaysan in ay farta ku fiiqaan marin habowga danta ku jirin.
Mise waxaa la rabay in lagu daawado dib u dhaca iyo boholaha loo sii jiidayo qaranimada Soomaaliyeed in lagu cesho hal kasii hooseysa 1991-kii, Allaa yaa cisak Dr Baadiyoow bohalaha iyo hagardaamada uu nooga digay, hadii uusan ka hadleena eed baa fooli laheyd.
Waana halka ay iskaga midka yihiin Gabyaageenii Qaranka Cabdulaahi Suldaan Timacade, asagoo waxa Dr Baadiyoow arkay ishiisu qabatayna waxa uu yiri tixahan hoose
Basar baa dhismaha dawladeed, loo binayn jiraye
Boqolaal gu’ oo tagay wixii, idin buguugaayey
Bawdyaha wixii idinka jaray, haw badheedhina e
Nin qabyaalad beertoow, wanaag kuuma soo baxa e
Waxaan maalmahan danbe TV-yada Soomaaliga ku hadla ka daawan weynay Qabaa’ilo labo saf lakala gashay qaarna la yiri waa Team Dowlada kuwana leeyihiin BARBARKAAD KA BAXDAA WAA BAKEYLO QALEEN, ilaa la faagay boogihii la rabay in la dhayo, waxaa sii korodhay tirade cudurkii qabyaalada ee in la suuliyo la rabay uu soo ridanayo, isagoo noqday PANDEMIC, qaaradahana kasoo talaabay London iyo Mineapolis, South Africa iyo Jeddah dhinac walba u faafay.
Heerkaas marka ay gaartay miyaanan DR: baadiyoow iyo inwalba oo caqli u saaxiib ah la barin ka hortag iyo joojin cudurka fidaya, waana halkey misana gabyaageenii Qaranka Sultaan Timacade, iskaga midka ahaayeen, asagoo leh
Nin qabyaalad geeso u tumaa, guul ma haybsado e
Goof aan biyo lahayn maxaa, idin ku gawriirshay
Geeddigan dib loo raray tashiga, galangalcoobaaya,
Doqonniimo laga guuray baa, gibilka saarteene
Gurdan iyo hadaa Reer Gurxame, kala guraysaane
Hadduun baa waxii lagu goblamay, soo gelbinaysaane.
Hadaba amnixumida Muqdisho ku baaheysay waqtiyadan danbe oo dhan, hay’adihii dowlada oo aan hore u socod muujin, Ciidamadii iyo hawlwadeenadii kaleba oo habacsanaan baaxad leh muujiyay, hawlihii la rabay in ay dowladu dadajiso oo aan wali muuqan, sadexsano oo uga hadhay hirgalinta Doorasho, tiro koob iyo maamuladii Gobalada oo dhameystiran, daldalooladaas wax aan aheyn miyuu Dr Baadiyoow ka hadlay?
La garay qolada seegtay marinka, oo aanan rabin in la falanqeeyo dhibaha muuqda ee la tabanayo, ee waxaa cajaa’ib noqotay kuwii Dr Baadiyoow u damqanayay in ay guuxa iyo gurdanka ku raacaan kuwii aan waxba u heyn, waana halka Dr Baadiyoow iyo Abwaan Ibraahim Gadhle kawada digayeen, tixahan ayaana muujinaya
Magacaagu yuu noqon
Mid xumaan ka marag-kaca
Sida macawisaha qaar
Ninba maalin yuu xidhan
Hadba kii muraada leh
Howga dhigin maqaarsaar
Mar waxaad dhadhamisiyo
Mijin jaad ah how dhiman
Hana Talin Masiibiyo
Wax maqluukha kala dila
Marlabaad ayaa Abwaan Ibraahin Gadhle allaha u naxariistee sida Dr Baadiyoow asagoo u diidaya in NACAMLE la iskawada noqdo yiri
Maskaxdaadu yey noqon
Maqal lagula leeyahay
Yaan toban Muftaaxiyo
Lagu furan Masaabiir
Waxaad shaleyto mudatiyo
Mahadhada xasuusnoow
Halkii qorigu kaa muday
Marlabaad lugtaadiyo
Yaan cagtaadu kula MARIN
Dr Baadiyoow waxa uu diidan yahay waa dhabihii shalay, waa dhabihii lagu hoobtay, waa tan aan hilinka cusub in aan ka doorano mudan tahay, xiligii waa dhamaaday nin jecleysiga iyo qabiilka loo durbaan tumijiray, waa aragti furan waxa in la isweydaarsadaa mudan tahay, hadii dhaliilo muuqdaan kuwa hogaan ka ahi xil baa ka saran in ay awdaan, laakiin diidmo iyo indhocadeys cidna ugama fadhin, Sayid Maxamed Cabdule Xassan, ayaa isna isla sida Dr Baadiyow tixo ku miijiyay hadii halkii kheyr laga filayay shar kasoo baxo, wuxuuna yiri
Hadday baatir geel kuu dhashoo, baaqimaad noqoto
Barooddada big caanood haddii, biidna laga waayo
In billaawe lagu soo xafsiin, ba’a ee yow sheega
Soomaalidaa odhan jirtay Buur baa dihatay, saa la isweydiiyay tolow maxey dhali? Saa la yiri IRBAD bay dhashay, waxa muuqda manta waa taas, wixii la filayay iyo waxa muuqday waa kaaf iyo kala dheeri, nin walbana waa in ay taasi u muuqataa, Dr Baadiyowna waxa uu naleeyahay, marlabaad ayaa ka helay Abwaan Ibraahim Gadhle allaha u naxariistee, oo maansadiisa ku muujinaya, tixihiisuna sidaan oranayeen
Dadka Reer Magool iyo
Reer Mareer u kala kacay
Shicibkaan is mariyee
La dhexdhigay masiibada
Maaraha Dagaalkiyo
Miinadaan ka Gurayaa.
Ugu danbeyn aan isweydiino maxaanaga khaldan iyo see wax loosaxaa, waa marka aan khaladka fahano, waana inta Dr Baadiyoow la gubanayo, waxa uu u gubanayana anaga tahay, Marka in aan Baadil ugu afcelino, xaasha’e ma banaana.
Qalinkii Caaqil Saciid Yusuf
Gamadiid77@gmail.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM