Muqdisho(RBC Radio) Maamulka degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Saxaafadda usoo bandhigay Meydka Ruux ay sheegeen inuu ka tirsanaa koox xalay weerar qorsheysan kusoo qaaday Saldhigga booliska degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Gudoomiyaha demada Kaaraan Cali Calasow Xasan oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah warbaahinta ugu qabteen isaga iyo afhayeenka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidamadii dowladda ee ku sugnaa Saldhigga booliska degmada Kaaraan ee ay weerarka abaabulan kusoo qaadeen rag ka tirsan alshabaab ay fashiliyeen isla markaane ay dhabarka ka jabiyeen kooxdii weerarka soo qaaday.
Gudoomiyaha ayaa warbaahinta u sheegay in Nin ay goobta kusoo bandhigeen uu yahay alshabaab ka mid ahaa kooxdii weerarka xalay kusoo qaaday Saldhigga degmada Kaaraan,wuxuuna tilmaamay in Ninka ay dileen uu ku labisan yahay Direyska ciidanka booliska Soomaaliyeed,wuxuuna uga mahad celiyey ciidamadii Saldhigga Kaaraan ku sugnaa oo uu sheegay iney si weyn iskaga difaaceen weerarka lagu soo qaaday.
Wuxuuna intaa ku daray in kooxda weerarka soo qaaday ay gaarsiiyeen khasaaro fara badan,isagoona xusay in marka laga reebo Ninka Meydka ah ee ay ka carareen ay sidoo kale dhaawac ahaan ku qaateen 2 kale oo kamid ahaa raggii weerarka soo qaaday.
Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Gen. Maxamed Yuusuf Madaale oo isne warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkaas ay ciidamadu u fashiliyeen sidii loogu tala galay,Cadowgane ay jab weyn gaarsiiyeen,wuxuuna tilmaamay in ciidamadu ay sidaas oo kale u gali doonaan cid walba oo isku dayda iney soo weerarto.
RBC Radio
Muqdisho