Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Hawlgallo lagu baadi goobayo kooxihii dilay gudoomiye ku xigeenkii Makamadda Beledweyne oo magaaladaasi laga sameeyey

$
0
0

beldweyneeBeledweyne(RBC Radio)  Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta baaritaano ka sameeyey xaafadda Kooshin ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,ciidamada ayaa gudaha u galayey guryaha iyo goobaha ganacsi ee xaafaddaas.

Ciidamada isgarabsanaya ayaa kusoo qabtay hawlgalka ay maanta ka sameeyeen Xaafadda  Kooshin  ee magaalada Beledweyne 6 ruux oo ay uga shakisan yihiin iney ka tirsan yihiin kooxaha magaalada kawada amni xumada,dadkii ay ciidanku hawlgalka kusoo qabteen ayaa waxa ay u dhaadhiciyeen Saldhigga booliska degmada Beledweyne halkaas oo su’aalo lagu weydiinayo.

Taliyaha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Col. Cismaan Dubbad oo ka hadlay baaritaanada ay ka wadaan magaalada Beledweyne ayaa ugu baaqay shacabka reer Hiiraan iney iyaga oo kaliya sugi karaan amniga magaaladooda,wuxuuna ku booriyey iney ciidamada ku gacan siiyaan hawlgallada ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga magaalada.

Col. Cismaan Dubbad ayaa hoosta ka xariiqay in dadka qaska magaalada ka wada iney yihiin dhalinayaro aan awood lahayn sida kaliya ee looga hortagi karane ay tahay in shacabku ay soo sheegaan aqalada ay ku sugan yihiin si dhibaatadooda ummadda looga qabto.

Habeen hore ayey ahayd markii ay koox hubaysani bartamaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ay ku toogatay gudoomiye ku xigeenkii Maxkamadda magaalada Beledweyne Alla ha u naxariistee Macalin Xasan Cilmi Ciyow.

 

 

 

RBC Radio

Beledweyne

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Trending Articles