Muqdisho(RBC Radio) Taliska ciidamada ilaalada Wadooyinka ayaa ka warbixiyey dhibaatooyin xiligan soo food saaray shaqadii ay bulshada u hayeen ciidamada Taraafikada Soomaaliyeed taliyaha ciidanka ilaalada wadooyinka Gen. Cali Xirsi Barre Cali Gaab oo shir jaraa’id Muqdisho maanta ku qabtay ayaa ka waramay dhibaatooyin uu sheegay iney soo wajaheen ciidanka ilaalada wadoyinka.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Taraafikada ay ku adkaatay iney wada gaaraan wadooyinka Muhimka ah ee Muqdisho,wuxuuna ku sheegay sabaha keentay in ciidanku ay dhaafi waayaan wadada Wadnaha oon uu tilmaamay iney qaybo yar ka joogaan kadib markii ay ciidamada Taraafikada lasoo gudboonaadeen dhibaatooyin fara badan.
Gen. Cali gaab ayaa sheegay in dhibaatooyinka soo food saaray ciidanka ilaalada wadooyinka kuwaas oo sabab i noqday iney gudan waayaan hawshii ay bulshada u hayeen iney qayb ka yihii,ineysan haysan ciidan suga amniga ciidanka Taraafikada,in ciidanka ilaalada wadooyinku uusan haysan ciidan hubaysan,in ciidamada ilaalada wadooyinku aysan haysan gaadiid ay shaqada ku qabtaan marka laga reebo mooyooyin iyaguba burburay sida uu sheegay taliyaha Taraafikada Cali Xirsi Barre.
Taliyaha Taraafikada ayaa sheegay in ciidanka Taraafikadu aysan gaari karin inta badan wadooyinka Muqdisho sabababo amni awgood,wuxuuna xusay in mararka qaar ee ay gaaraan wadooyinka Sodonka iyo Warshadaha si ay usoo cabiraan shilalka ka dhacay iney kasoo noqdaan iyaga oo wadnaha farta ku haya sida uu sheegay.
Wuxuuna dhaliil dusha kaga tuuray masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir oo uu sheegay iney ka gaabiyeen wada shaqayntii ay uga baahnaayeen,wuxuuna si gaara u dhaliilay dusha Muqdisho Tarsan oo uu sheegay inuu marar badan u gudbiyey qoraalo uu ugu bandhigayo dhibaatada jirta iyo sidii uu wax uga qaban lahaa.
RBC Radio
Muqdisho