Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Khaatumo oo beenisey inay kasoo gosten ciidamo dhawan Soomaaliland ay soo bandhigtey

$
0
0
Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Karaash"

Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”

Buuhoodle[RBC Radio]Kadib markii dhawaan maamulka Soomaaliland ay soo bandhigeen tiro ciidamo iyo gaadid dagaal oo ay sheegen inay kasoo qosten dhinaca Khaatumo,ayaa waxaa tirada ciidanka iyo gaadidka Soomaaliland ay soo ban dhigtey  beeniyey dhinaca khaatumo.

Axmed Cilmi Cismaan “Axmed Karaash”oo ka mid ah golaha Madaxtooyadda ee Khaatumo ayaa isagoo lahadlaya warbaahinta waxaa uu sheegey in maamulka Soomaaliland gaadiidka iyo ciidamada ay warbaahinta uu soo bandhigay aysan lahayn Khaatumo.

Axmed Karaash ayaa caddeyey in iyaga gaadidka lagala goostay inuu yahay labo gaari oo noca dagaalka ah,inkasto uu sheegey in labada gaari lola baxay hab nidaam beeleeed ah.

“Sawirrada warbaahinta ay tusen Soomaaliland ma ahaa wax ay ledahay Khaatumo ee waa gawaaridi ay iyagu isku ilaalinayeen maadama ay yimaaden dhul aysan laheyn,anaga dhankena labo gaari baa lagala baxay iyagana aniga gacanta ku ahay hab qabiil ayey noga baxeen balse marka ay soo jilaan ruwaayada Soomaaliland dib ayey usoo labanayaan”waxaa intaas saxaafada u sheegey Axmed Karaash oo ka mid ah golaha Madaxtooyadda ee Khaatumo .

Axmed Karaash waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey inaysan yeeli doonin in ciidamada maamulka Soomaaliland ay kusugnaadan goobo aysan lahyen kana tirsan Khaatumo oo uu tilmaamey inay xiligaan si sharci daro ah ay u joogan ciidamo taabacsan Soomaaliland.

“Sharci ma ahaa in ciidamada Soomaaliland ay kusgnadan mel aysan iyagu lahyeen,waxan aragnaa inay si sharci daro ah ay ujoogan ciidamadoodu deegaanada Khaatumo balse taas ma aqbali doono”ayuu yiri Axmed Karaash.

Hadalkaan kasoo baxay Khaatumo ayaa imanayo xili dhawaan masuuliyin katirsan maamulka Soomaaliland ay soo bandhigeen tiri ciidamo ah iyo gawaari kuwada dagaalka ah kuwasoo ay Soomaaliland sheegtey inay yihiin kuwo kasoo qostey Khaatumo.

 
RBC Radio

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19594

Trending Articles