Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19614

Siyaasiga C/llaahi SH Xasan oo sheegay in xukuumaddu ay ku fashilantay sugidda amniga Muqdisho,baarlamaanka ka codsaday inuu Xukuumadda Kalsoonida kala noqdo

$
0
0

cabdullaahi SH XasanMuqdisho(RBC Radio) C/llaahi SH Xasan Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda Soomaaliyeed oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka hadlay habacsanaanta dhanka amniga ee ka jirta dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo maalmihii u danbeeyey uu amnigeedu faraha kasii baxayey.

Siyaasiga C/llaahi SH Xasan ayaa sheegay in dowladda ee xligan jirta ay gabi ahaanba ku fashilantay wax ka qabashada amniga dalka,wuxuuna tilmaamay ineysan xukuumadda hadda jirta xitaa aysan ka muuqan qorshe suurta galin kara amniga magaalada Muqdisho oo ay u dagsan.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda Soomaaliyeed C/llaahi SH ayaa ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliyeed ineysan xukuumaddan ku fashilantay amniga dalka iyo wax u qabashada ummadda Soomaaliyeed ku daawan sida ee ay kalsoonida kala noqdaan si loo helo xukuumad shacabka ka samata bixin karta dhibaatada soo daashatay ee amni xumado ugu horeyso.

C/llaahi SH Xasan ayaa sheegay in tallaabada Koowaad ee dowladda ay ku fashilan tahay ay ahayd iney bedesho Saraakiishii amniga oo uu sheegay iney ahaayeen raggii alshabaab ka saaray Muqdisho isla markaane la dagaal yaqaanay shabaabka sida uu yiri,wuxuuna xusay ineysan wanaagsaneen Nin jecleysi iyo fikir gaara in lagu saleeyo masiirka ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuuna dowladda ku dhaliilay in amniga Muqdisho uu marayo halkii uu joogay 3 sano ka hor,wuxuuna tibaaxay in dowladda lagu wareejiyey Muqdisho oo habeenkii ay doorasho ka dhacayso xiligane loo wada jeedo sida uu yahay amnigeedu.

Dhaliilo isdaba joog ah ayaa loo jeedinayaa dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan xukuumadda oo lagu eedeynayo iney ku fashilan tahay wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19614

Trending Articles