Jowhar(RBC Radio) Ciidan ka tirsan kuwa alshabaab oo aad u hubaysan ayaa xalay Saqdii dhexe weerar culus ku qaaday Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe oo ay fariisimo ciidan ku lahaayeen ciidamada dowladda feeraalka Soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Dagaalka oo ahaa mid gaadmo ah oo ay soo qaadeen ciidanka alshabaab ayaa waxaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan,ciidamadii dowladda iyo AMISOM ee weerarka lagu qaaday ayaa iska caabiyey duullaanka ay alshabaab kusoo qaadeen.
Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh,taliyaha Guutada Saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Maxamed Maxamuud Saneey ayaa saaka ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay dagaalka ay alshabaab xalay kusoo qaadeen fariisimaha ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Gen. Maxamed Maxamuud Saneey ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen koox ka tirsan alshabaab,wuxuuna tilmaamay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iney iska caabiyeen weerarkaasi,taliyaha ayaa tibaaxay iney dhirbaaxo kulul ku dhufteen isku daygii ay alshabaab kusoo weerareen fariisimada ciidamadu ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Taliye Saneey ayaa sheegay in dagaalkaas ay khasaaro ku gaarsiiyeen alshabaab,wuxuuna sheegay iney Saaka aroortii goobtii xalay lagu dagaalamay iney kasoo qaadeen Nin Meyd ah iyo Mid dhaawac ah oo alshabaab ah sida uu sheegay oo ay xalay goobta kaga carareen,wuxuuna intaa ku daray in dhankooda uusan jirin wax khasaaro ah oo kasoo gaaray dagaalka.
RBC Radio