Gaalkacyo(RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdii oo shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay kaga warbixiyey Safaro shaqo oo uu mudooyinkii danbe ku joogay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo arimo kale oo dhowr ah.
Madaxweyne Cabdi Xasan Cawaale ayaa sheegay inuu kulamo Muqdisho kula qaatay madaxda ugu saraysa dalka sida Madaxweynaha,R/wasaaraha iyo qaar kamid ah golaha wasiirada,wuxuuna sheegay iney ka wada hadleen madaxda dowladda Soomaaliya baahida Galmudug ee dhanka dowladda iyo waxyaabaha ay dowladdu uga baahan tahay maamul goboleedka Galmudug.
Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa sheegay in dhammaan waxyaabihii iyo qodobadii ay ka wada hadleen madaxda dowladda iney kusoo dhammaadeen is afgarad iyo is fahan,wuxuu sidoo kale ka hadlay dadaalada maamul u samaynta gobolada dhexe ee dalka,Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhawaan la guda gali doono qaab dhismeedka maamul goboleed ay ku midaysan yihiin dhammaan maamulada kala duwan ee xiligan ka jira gobolada dhexe ee dalka.
Wuxuuna tilmaamay in hawsha dhisida Maamul mideysan oo ay gobolada dhexe yeesheen ay si rasmi ah u bilaabanayso bisha danbe,wuxuuna intaa raaciyey in madaxda dowladdu ay arinkaas si weyn u taageerayaan.
RBC Radio
Madaxweyne Cabdi Qaybiid ayaa dhanka kale shirkiisa Jaraa’id kusoo hadal qaaday eedihii dhawaan ay usoo jeediyeen Kooxda la socodka Cunaqabataynta Hubka ee Saaran Soomaaliya iyo Eritrea oo Warbixin ay soo saareen Cabdi Qaybdiid ku eedeeyey inuu xoog ku haysto talada maamulka Galmudug iyo inuu caqabad ku yahay maamulka ay deriska yihiin ee Puntland.
Cabdi Xasan Cawaale ayaa eedahaasi ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toone lahayn,wuxuuna ku tilmaamay wax laga xumaado in dad laga sugayey talo iyo wanaag sida uu sheegay iney soo bandhigaan been intaa la eg,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney qoraal ay arinkaas kaga cabanayaan iney Qaramada Midoobay u diri doonaan.