Galgauud(RBC Radio) Ugaas Maxamed Wali oo kamid ahaa dadka sida weyn u taageera fikirka alshabaab oo u muuqda inuu taageeranimadiisii kala noqday alshabaab ayaa alshabaab ugu baaqay iney ummadda dhibaatada ka daayaan,Ugaas Maxamed Wali ayaa daboolka ka qaaday in shacabka Soomaaliyeed aysan xiligan u baahneen in lasii dhibaato,dhib iyo Mushaakilne ay kasoo daaleen.
Ugaas Maxamed Wali ayaa sheegay in alshabaab ay yihiin abaal-laawayaal wuxuuna ka dhawaajiyey in alshabaab ay kusoo bexeen markii ay dadka reer Muqdisho ku taageereen Maalkooda,Naftooda iyo xoogooda balse wuxuu sheegay in alshabaab ay ka weecdeen wixii lagu taageeray oo ahaa hirgalinta Diinta Ilaahay xiligane ay dadka reer Muqdisho ugu abaal gudeen dil,Qarxin iyo baabi’in sida uu sheegay.
Wuxuuna shaaca ka qaaday iney alshabaab ka leexdeen dariiqii ay dadka markii hore u sheegeen,wuxuuna ugu baaqay iney dib iskugu noqdaan,isagoona tilmaamay in alshabaab dhibaatada ay ummadda u geysteen ay dadkii Soomaaliyeed dhaxalsiisay iney Shisheeye magan galaan sida uu sheegay.
“Ummadii Soomaaliyeed ee aan ogaa sida ay u necbeed Cadowga Ethiopia alshabaab ayaa masuul ka ah iney maanta magangalyo ka doonaan Xabashida,waad ogaydeen wixii ka dhacay Xudur markii Xabashidu ka baxday Kumanaan Qoys oo Soomaaliyeed ayaa ka daba guuray,taasne waxaa masuul ka ah alshabaab”ayuu yiri Ugaas Maxamed Wali.
Ugaas Maxamed Wali ayaa ugu baaqay alshabaab iney ka waantoobaan colaadda iyo dhibaatada ay dalka ka wadaan wuxuuna ugu baaqay iney Miiska wadahadlka yimaadaan isla markaane ay dowladda kusoo biiraan shacabka ay dhibaatada ka daayaan.
RBC Radio