Qaramada Midoobay ayaa sheegetay in xeerka qabyada ah ee saxaafadda Soomaaliya inay ku jiraan qodobbo ka hor imaanaya xorriyadda saxaafadda,kasoo dhowaan golaha wasiirrada ansaxiyeen.
War kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka ayaa logu baaqey xukuumadda Soomaaliya inay dib u eegto xeerka cusub oo wariyaha uga baahan doona inuu shaaciyo isha warka uu ka helo.
Rupert Colville oo ah afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha ayaa si kulal u sheegey in xeerka xiligaan ladoonayo in lugu hago saxaafada Soomaaliya inuu yahay mid aan caddeyn oo xaddidaya xorriyadda hadalka.
Xeerka saxaafadda Soomaaliya ayaa lugu wada in dhawaan uu noqdo mid ay an sixiyaan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, una saxiixo madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xeerka saxaafadda Soomaaliya ayaa waxaa siyaabo kala gadisan uga hadley wariyaasha ka howlgalla magaaladda Muqdisho waxana ay soo dhaweyen qodobo ka mid ah xeerka halka ay ka biyadiiden qodobo ku jira.
R/wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa isna kulan uu dhawan la qatey qeybo ka mid ah warbaahinta ka howlgasha Muqdisho waxaa uu si cadd ugu sheegey in xeerka inta usan baarlamaanka hortagin in laga saari doono dhamaanba qodobada ay kasoo hor jeesten saxaafada Soomaaliya.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio