Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Dowladda Ethopia oo sheegtey inay wadeyso garab istaaga ciidamada Soomaaliya xili ay ciidamadoodu ka baxeen koonfurta galbeed ee dalka

$
0
0

Desseleng

Adis Ababa [RBC Radio]Dowladda Ethopia ayaa sheegtey inay garab tagantahay ciidamada xooga Soomaaliya ayna garab ka siinayaan ladagalanka kooxa kasoo hor jeeda iyo xaqiijinta ammaanka goobaha ay ka dhacaan falalka amniga kabaxsan.

 

Iyadoo dhawan hadal kasoo baxay Ethopia lugu sheegey inay baneenayan goobaha ay kaga sugan yihiin Soomaaliya ayaa haddana waxaa wali ay sheegeysa inay ku dadaalayan sidii Soomaaliya ay uga dhalan laheed nabad lugu nalaado.

 

Ra’isal wasaaraha Ethopia Hailemariam Dessalegn, iyo wasiirka gaashnaadhiga ee Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa kulan arrimo dhor ah loga hadlay waxaa ay ku yeeshen magaaladda Adis Ababa ee xaruunta dalkaas.

 

Kulaan kan ayaa Ra’isal wasaaraha Ethopia Hailemariam Dessalegn waxaa uu ka sheegey inay marwalba garab siinayan ciidamada Soomaalida si ay u sugaan amniga goboladda dalka iyo sidii ay gudd ahanba kala waregi lahayeen goobaha ay kusugan yihiin kooxaha kasoo hor jeeda ee al-shabaab.

 

“Ma ahaa haddii ay ciidamadenu kabaxayaan Soomaaliya inay intas ku joojinayan caawinadi ay sin jiren ciidamada Soomaalida,marwalba waxan ku dadaalena sidii ay nabad ugu dhalan lahed Soomaaliya, goboladda oo dhana ay gacanta ugali lahayed ciidamada dowladda”ayuu ku sheegey hadalkiisa Hailemariam Dessalegn.

 

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdixakiin Fiqi ayaa isna xiligii uu soo idladey kulanka uu lalaha ra’isal wasaaraha Ethopia waxaa uu saxaafada u sheegey inay ugu weynayen wada hadalkooda sidii ay Ethopia usii wadi lahed garab istaga ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM ee dalka kusugan.

 

“Waxan kawada hadalney arrimo badan waxana ugu weyna inan ka helno ciidamada Ethopia garabkii ay horey usin jiren ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM,waxana sidii kale isla soo qadney sidii loxoojin laha xiriirka labada dal iyo horumarinta Ganacsiga iyo beeraha”ayuu sheegey wasiir Fiqi iney kawada hadleen Ra’isal wasaaraha Ethopia Hailemariam Dessalegn.

 

Waxaa uu imanayaa hadalkaan kasoo yeerey xukuumada Ethopia xili ay kabaxeen ciidamadooda goobo badan oo ay kaga sugnayen goboladda dalka.

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19675

Trending Articles