Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbabada Hoose ayaa tan iyo bur burkii dalka Soomaaliya waxaa ay ka mid ahyeed goobaha ugu badan ee lugu dagaalamo dagaaladaasi oo sameen xoogleh ku reebey adeegyada asaasiga uu ah nolasha aadanaha.
Tan iyo markii ay dagaalo soo noq noqda ay magaaladda kusoo lab labteen waxan ka hirgalin wax adeg gar gar ah oo ay fulin jireen hay’addaha QM uqabilsana bini’aadantinimada iyo gar gaarada.
Muddo kadib waxaa dhawan Kismaayo gaarey wafti ballaaran oo ka socda Qaramada Midoobay,waftigaaso magaaladda ay kusoo dhaweyen masuuliyinta maamulka Jubbaland oo gacanta ku haya Kismaayo,waxana uu kulan ku dhex marey garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
Wafdiga waxaa hoggaaminayey Iskudubarridaha mucaawimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Philip Lazzarini, waxaana ka mid ahaa Ku Xigeenka Madaxa UNICEF ee Soomaaliya Furuuh Fayuuzat.
Masuuliyinta Jubbaland ayey kala hadleen xaalada ka jirta Kismaayo iyagoona ka xogwarestey sida ay wax uqaban bulshada ku nool Kismaayo.
Wafigaan ayaa sidoo kale tagey goobo ka mid ah magaaladda waxana ka mid ahaa cisbitaalka magaaladda Kismaayo oo ay ku jiraan dhaawacyada dagaaladi soo noq noqdey ee Kismaayo ka dhacay.
Xiligii ay ku labteen magaaladda Nairobi oo ay horey waftigaan ay uga soo kacitimeen ayaa waxaa warbaahinta maantey la hadashey Madaxa UNICEF ee Soomaaliya Furuuh Fayuuzat waxana ay kawaran tey waxa ay Kismaayo kusoo arkeen.
Madaxa UNICEF ee Soomaaliya Furuuh Fayuuzat waxaa ay sheegtey inay ka rajo-qabaan in degganaanshaha toddobaadyadii la soo dhaafay ka jiray magaalada uu sii socoto si ay hay’adaha gargaarka hawshooda usii amba-qaadaan.
Furuuh Fayuuzat waxaa kalo ay tilmaamtey inay xiligii ay tagen cisbitaalka Kismaayo ay kusoo arken dhawaacyo ubahan gar gaar caafimaad,waxana ay tilmaamtey inay siweyn uga xumatey markii ay aragtey hooyo ku dhawacntey qarax lugu aasey waaddo taaso an heysan gar gaarkii caafimad ee ay ubahneed,ugu danbeentina waxaa ay caddeysey inay tagi doonan hay’addaha QM uqabilsan dhinacyada caafimaadka Kismaayo ayna fulin doonan adegyo caafimaad.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio