Muqdisho(RBC Radio) Wasaaradda arimaha dibadda iyo ISkaashiga caalamiga ah ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta baarlamaanka horgeysay heshiiska Caalamiga ah ee Bahwadaagta oo ay ku mideysan yihiin wadamada Afrika,Dalalka Badda Pacifiga kulaala iyo Wadamada reer Yurub ee deeqaha bixiya.
Fahdigii 11aad ee kala fadhiga aan caadiga ahayn oo ay maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka fereaalka Soomaaliya oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa waxaa heshiiskaasi ka hor akhriyey isla markaane faah faahin ka bixiyey faa’iidooyinka uu u leeyahay Soomaaliya wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha dibadda iyo Iskaashiga Soomaaliya Jamaal Maxamed Barrow.
Heshiiskan oo ay Soomaaliya Saxiixday ayaa waxaa lagu sheegay ujeedkiisa sidii sare loogu sii qaadi lahaa dhaqaalaha iyo ladagaalanka faqriga, waxaana la tilmaamay in heshiiskani uu dowladda Soomaaliya uu siinayo fursad ah in qorshaha istaraatiiijiyadeed ay la timaado maadaama ay Soomaaliya ka baxday Xiligii Kumeelgaarnimada.
Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday hesshiiskan,waxayna ka dhiibteen aragtiyo kala duwan,mudanayaashii dooda ka dhiibtay ayaa intooda badan dalbaday in baarlamaanka loosoo gudbiyo tafaasiil dheeraad oo ku saabsan heshiiskan ka hor inta aan la guda galin in cod loo qaado.
Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiskan ay kasoo arinsadaan gudiga arimaha dibadda iyo Iskaashiga u qaabilsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo wasaaradda arimaha dibadda ee xukuumadda kadibne ay sida ugu dhaqsaha badan ugu soo gudbiyaan golaha baarlamaanka si loo meelmariyo.
RBC Radio
Muqdisho