Kismaayo[RBC Radio]Magaaladda Kismaayo waxay maantey qoraxdu ugu dhacdey iyadoo laga sameenayo howlgallo lugu xaqiijinayo amnigeeda.
Ciidamo katirsan kuwa maamulka Jubbaland ayaa gafwaregayey jidaadka waa weyn ee magaaladda iyagoona socdoolkoda uga golaha sidii ay u xaqiijin lahaayen amniga guud ee magaaladda,waxana la sheegey inay arrintan timid kadib markii maal mihi danbe ay isi soo taren falalka lidiga ku ah amniga.
Saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland ayaa sheegay in howlgallada ay ka bilaabeen magaalada ay uga gon leeyihiin sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaaladda Kismaayo ,sarakiishu waxay sheegen inay sidoo kale raban inay wax ka qabtaan ciidamada hubeysan ee sida sharci darrada ah hubka ugu dhex sita magaaladda.
Saraakiisha waxay caddeeyen in howgalku ahaa mid balaaran oo dad lagu soo qabtay, Macalin Maxamed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada maamulka Jubbaland wuxuu sheegay in ay jiraan tobbanaan ruux oo ay qabteen, balse wuxuu ka gaabsaday in uu sheego tiro rasmi ah.
Galinkii danbe ee maantey ayaa in dhaha dadka ku dhaqan Kismaayo waxay qabanayeen ciidamo raxan raxan u socda wadooyinka waaweyn ee magaaladda gaar ahana suuqyada iyo goobaha bulshadu kubadan tahay.
Qeybaha bulshada ayaa iyguu dhinacooda ka hadley howlgallkaan ay ciidamadu bilaaben waxana ay ku bogaadiyen inay siwadan si loo xaqiijiyo amniga magaaladda xeebta ku taal ee Kismaayo,inkasto ay qeybaha bulshada madaxda maamulka Jubbaland ay ka codsadeen in la sameeyo ciidamo ugar ah howlgallada ammaanka la xiriira.
Madaxweynahe ku-xeenka maamulka Jubbaland oo ka jawaabey hadalka shacabka ayaa sheegey inay dhoor mar ku cel celiyeen inay ku howlan yihiin sidii ciidamada malatariga loga sarilaha guddaha magaaladda lona geynlaha afafka hoore ee Kismaayo iyadoona badalkooda magaaladda la dhex kenayo ciidamo ugar ah howlgallada la xiriira xaqiijinta ammaanka.
Howlgalladaan ayaa la sheegey inay socon doona tan iyo inta la xaqiijinyo amniga Kismaayo,inkasto an la mudeen xiliga ay dhamandoonan howlagalladan.
RBC Radio