Awdiinle(RBC Radio) Faah Faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xalay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo alshabaab ku dhexmar Tuulooyin duleedka ka ah deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay,wararka aan ka heleyno deegaanka Awdiinle ee gobolka Baay ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay duulaan ku qaadeen tuulooyin ku teedsan deegaanka Awdiinle oo ay ku sugnaayeen alshabaab
Dagaalka oo intiisak badan ka dhacay tuulo lagu magacaabo Wardheer oo duleedka ka ah deegaanka Awdiinle ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu dhaliyey khasaaro kala gaaray dhinacyadii dagaalamay,taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee deegaanka Awdiinle Aadan Barrow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in dagaalkaas ay guulo ka gaareen ciidamada dowladda,wuxuuna tibaaxay iney khasaaro ku gaarsiiyeen alshabaabkii ay dagaalka la galeen,Aadan Barrow ayaa sheegay iney dagaalka alshabaab kaga dileen Saddex askari uuna jiro dhaawac intaa ka badan oo alshabaabka ay gaarsiiyeen,wuxuuna dhankooda kusoo koobay inuu dagaalka kaga dhaawacmay hal askari oo kaliya sida uu sheegtay.
Taliyaha ayaa ku hanjabay iney weeraro hor leh ku qaadayaan deegaanada kale ee gobolka Baay oo wali gacanta ugu jira ciidamada alshabaab ee dagaalka kala horjeeda dowladda Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta edowladda taageeraya ee AMISOM.
Marka laga soo tago sheegashada saraakiisha dowladda ee ku aaddan iney guulo ka gaareen dagaalk,Alshabaab ayaan ilaa hadda wax war ka kasoo saarin dagaalkan xalay ciidankooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku dhexmar tuulooyinka hoos yimaadda deegaanka Awdiinle oo ay fariisin muhim ah ku leeyihiin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
RBC Radio