Beledweyne(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ugu saraysa ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay iney xaqiijinayaan amniga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo xalay lagu toogtay gudoomiye ku xigeenkii labaad ee maxkamadda magaalada Beledweyne.
Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ka ka qaybgalayey aas maanta Beledweyne loogu sameeyey Alla ha u naxariistee gudoomiye ku xigeenkii maxkamadda Beledweyne Macalin Xasan Cilmi Ciyow oo kooxo hubaysan ay xalay bartamaha magaalada Beledweyne ku toogteen ayaa ku tilmaamay kooxihii dilay Macalin Xasan iney yihiin Arxan laawayaal.
Cabdi Faarax Laqanyo gudoomiyaha gobolka Hiiaan ayaa sheegay in dilkaasi uu yahay mid arxan darro ah oo muujinaya Cadowtooyada ay slahabaab u qabaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna Alle uga baryey inuu Marxuumka Jannadii ka waraabiyo Samir iyo Iimaane uu kasiiyo Eheladiisa,Asxaabtiisii iyo guud ahaan bulshada reer Hiiraan ee uu ka baxay.
Gudoomiye Cabdi Faarax ayaa ka dhawaajiyey iney kooxaha dilka geystay ay ku daba joogaan,wuxuuna xusay iney hayaan raad ku aaddan cidda ay yihiin iyo kalka laga soo abaabulay,wuxuuna ballan qaaday in tallaabo adag laga qaadi doono dadkii masuulka ka ahaa dilka Marxuum Macalin Xasan Cilmi Ciyow.
Dhanka kale taliyaha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM Col. Cismaan Dubbad oo isne hadal ka jeediyey Aaska loo sameeyey gudoomiye ku xigeenkii maxkamadda Beledweyne ayaa cambaareeyey falkaas,wuxuuna ku tilmaamay mid naxariis darro ah,isagoona ku eedeeyey iney ka danbeeyeen kooxo uu ku tilmaamay iney kasoo horjeedaan wanaagga umadda Soomaaliyeed.
RBC Radio