Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Maamulka degmada Xamar Weyne oo ka warbixiyey qaraxyo degmadaasi ka dhacay

$
0
0

gardhuubMuqdisho(RBC Radio) Maamulka degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyey qaraxyo Bambaano oo xalay lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo hawlgallo ka waday degmadaas,gudoomiyaha degmada Xamar Weyne C/llaahi Ibraahim Sahal Gardhuub oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weeraradii Bambaanay ee xalay ka dhacay degmada uu gudoomiyaha ka yahay aysan geysan wax khasaaro ah geysan.

Gudoomiyaha degmada Xamar Weyne ayaa sheegay in weeraradaas lagu qaaday ciidamo ka tirsan booliska degmada oo Roondo ka waday xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir,wuxuuna tilmaamay iney masuul ka ahaayeen kooxaha nabad diidka ee alshabaab sida uu hadalka u yiri.

C/llaahi Ibraamih Sahal Gardhuub gudoomiyaha degmada Xamar Weyne ayaa sheegay in weeraradaasi aysan hakin doonin hawlaha ay ka wadaan degmada  ee ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan nabadgalyada degmada,wuxuuna intaa ku daray iney degmada ku sugan yihiin ciidamo ku filan amniga degmada oo ka kooban boolis iyo nabad sugid.

Habeenadii lasoo dhaafay waxaa weeraro bambaano lagu qaadayey qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho,waxaana loo malaynayaa iney  masuul ka yihiin qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee  Muqdisho  ka dhacay alshabaab oo hore u sheegay iney kordhinayaan weerarada inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19588

Trending Articles