Maraykan(RBC Radio) Madaxweynihii dowladii kumeelgaarka ahayd SH Shariif SH Axmed ayaa iska bari yeelay wararka sheegaya inuu xiriir la leeyahay Siyaasiyiinta Dhaqdhaqaaqa siyaasadeed oo ay kaga soo horjeedaan dowladda federaalka Soomaaliya ka wada wadamada kenya iyo Uganda oo ay ku yeelanayaan shirar isdaba joog ah.
Madaxweynihii hore ayaa iska fogeeyey wararka la xiriirinaya inuu kamid yahay Siyaasiyiinta ku hawlan dhisidda gole lagu sheegay Golaha Badbaadinta Soomaaliya kaasoo la sheegayo iney ku doonayaan iney ku mucaaradaan dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaaminayo madaxweyne Xasan SH Maxamuud walow ay warbaahinta ka sheegeen ineysan ku hawlaneen duminta dowladda balse ay doonayaan iney saxaan waxyaabo ay sheegeen iney dowladda ka qaldan yihiin.
War qoraal ah oo uu soo saaray madaxweyne Shariif SH Axmed ayuu ku sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn arimaha ay wadaan Siyaasiyiinta kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna daboolka ka qaaday inuusan qayb ka ahayn arimaha ay ragaasi wadaan.
“Waxaan Soomaalida si cad ugu sheegayaa inaan ka mid ahayn hawlaha Siyaasadeed ee dowladda ka dhanka ah,markii doorashada la iiga guuleystay waxaan si aan ka leexleexad lahayn xilkii ugu wareejiyey madaxweynaha cusub,maanta ma jirto sabab aan u mucaarado dowladda”ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif SH Axmed.
Shariif SH Axmed ayaa farta ku fiiqay in bulshada Soomaaliyeed aysan xiligan u baahneen in wax la dumiyo balse arinta loo baahan yahay ay tahay in wax la dhiso la iskuna tanaasulo,wuxuuna meesha ka saaray wararka ay warbaahintu qorayeen ee sheegayey inuu qayb ka yahay ragga abaabulka Siyaasadeed ee dowladda ka dhanka ah ku hawlan.
RBC Radio