Muqdisho(RBC Radio) Xildhibaanad Saaco Cali Warsame oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in la musuq-maasuqo tababarrada iyo qoridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,Xildhibaanadda ayaa hadalkan ka jeedisay fadhi ay shalay Muqdisho ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya xilli ay cod u qaadayeen heshiis Ciidan oo ay dowladda federaalka Soomaaliya la gashay dowladda Turkiga.
Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa soo jeedisay in marka ciidamada la qorayo ama Tababarrada loo qaado iney muhim tahay in loo qaybsado sida baarlamaanka federaalka Soomaaliya,waxayna xustay in dalku uu yahay deegaano isla markaane loo baahan yahay in ciidamada la qorayo ay ka kala yimaadaan deegaanada dalka oo dhan.
Xildhibnaanad Saado Cali ayaa ugu yeertay masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya in si siman dadka Soomaaliyeed loogu qaybiyo qabashada shaqooyinka dowladda,deeqaha waxbarasho iyo qoridda iyo tababaridda ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Saado Cali ayaa hoosta ka xariiqday in waxa kaliya ee dadka deeqa ay tahay in nidaamka cadaaladda wax walba ay bulshada Soomaaliyeed ku qaybsato.
RBC Radio
Muqdisho