Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Wafti ka socda Puntland oo ka qeyb galaya shir looga hadlayo caafimaadka Soomaaliya kaas oo ka furmaya Kampala

$
0
0

images

Gaalkacyo [RBC Radio]Dhawaan waxaa lugu wada in dalka Uganda uu ka furmo shir looga hadlayo caafimaadka Soomaaliya kasoo ay ka qeyb galayaan dhinacyada Soomaalida ee shirkaasi lugu casumey.

 
Puntland waxaa shirkaasi uga qeybgalaya wafti kasocda wasaarada caafimaadka ee Puntland,waftigaan oo ah xubno dhakhaatiir ah oo ka socda wasaarada caafimaadka.

 
Shirka looga hadlayo caafimaadka Soomaaliya ee ka dhacaya magaalada Kampala ee xaruunta dalka Uganda ayaa ah mid loga hadli doono sidii loo xakameen laha labbada sano ee socotoa xanuunada TB-da, AID’s-ka iyo xanuunka Malaria-da.

 
Waftigaan uga qeybgalaya shirka Puntland ayaa waxa ay ka dhoofan magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyagoona u jiheestey Kampala si ay shirkaasi uga qeyb galaan.

 
Dr. Cabdikariin xuseen agaasimaha qeybta Malaria-da ee wasaarada caafimaadka ee Puntland oo qeyb ka ah waftigaan ayaa sheegey in ujeedkooda socdal uu yahay ka qeyb galka shirka loga hadli doono sidii loo xadidii laha xanuuno khatar ku ah bulshada Soomaalida.

 
Dr. Cabdikariin xuseen waxaa uu sidoo kale uu sheegey in shirkan uu yahay mid muhim uu ah Puntland maadama arrimaha loga hadlayo ay ka jiraan sida uu caddeyey Puntland isalamarkana ay filayaan inay ka kenan wax dhaxal gal uu ah Puntland.

 
Waftigaan Puntland waxaa horsocda agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Puntland, waxaa qeyb ka ah agaasimayaasha waaxaha caafimaadka ee wasaaradda sida TB-da, Malaria, qorshaynta iyo sidoo kale agaasimaha hay’adda qaabilsan AID’s-ka Puntland PAC.

 
Shirakaan loga hadlayo caafimaadka Soomaaliya waxaa ka qeyb galaya masuuliyiin ka kala socda wasaarada caafimaadka Federaalka, iyo kuwa kale oo ka socda Puntland iyo Soomaaliland.

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles