Nairobi[RBC Radio]Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa kulan afur ah uu ku dhexmarey muslimiinta dalka Kenya iyo madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta.
Kulankaan waxaa soo agaasimey madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kasoo afur u sameeyey madaxda muslimiinta dalka Kenya,waxana afurka feer fer socdey kala xog qadasho iyo dar daaran labada dhinac ay isku jeedinayeen.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo hadalka jeediyey ayaa si cadd u sheegey in muslimiinta dalka Kenya ay yihiin kuwo door muqda ku leh xal u helida dhib kasta oo dalkaasi ka dhaca,waxana uu inta ku darey inay muslimiinta dalka Kenya ay yihiin kuwo ka qeyb qataa nabada iyo sidii xasilooni buuxda loo heli laha.
Uhuru Kenyatta ayaa inta uu hadalka ke jeedinayey shirka uu laqadanayey muslimiinta dalka Kenya waxaa uu soo bandhigey balan qaadyadii hore oo u fidiyey isagoona shegey inay sida ugu haboon u fulin doonan balan qadyada.
Muslimka kenya oo awood weyn dalkaasi kuleh ayaa iyagoona culamadi shirka qeybta ka aheed waxay hadalo ay soo jeediyen ku dhiriyen madaxweynaha inuu dalka iyo shabka Kenya ku hogaamiyo si dhex dhaxad nimo ah .
Culimada ayaa sidoo kale soo dhaweysey kulan kaan ay la qaten madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyagoona ku tillmaamey is aragooda mi yimid xiligii loobahna inoo dhaco,waxana ay balan qaaden inay si dhow ula shaqeyn doonan dowladda uu hogaamiyo Kenyatta ayna diyar u yihiin door kasta oo loga bahdo Muslimka kenya.
Afur sharafeedka uu madaxweyne Uhuru Kenyatta u fidiyey Muslimka kenya ayaa la sheegey inay qeyb katahay dadaalka uu madaxweynaha Kenya ku doonayo in xukuumadisa ay noqoto mid xiriir dhow laleh Muslimka kenya.
Muslimka kenya waxaa qeyb ka ah culumo Soomaaliyed oo si weyn dalkaasi logo ixtiramo iyagoona qeyb libaxleh ka ahaa kulanka ay madaxweynaha la qateen.
RBC Radio