Baladweyn[RBC Radio]Magaaladda Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan habeenimadii xalay waxaa lugu diley guddoomiye ku-xigeenkii labad ee maxkamada Baladweyn Macalin Xassan Cilmi Ciyow.
Dilkaan ayaa la caddeyey inuu dhacay kagadal markii uu guddoomiye ku-xigeenka labad ee maxkamada Baladweyn uu kasoobaxay masaajid uu ku tukunayey saaladii cishaha iyadoona kooxa dilka ugeestey ay ku hubesnaayen bastoolado.
Wararku waxaa ay tibaxayaan in illaa toddobo xabadood ay ku dhufteen guddoomiyaha kooxihi soo weerarey,iyagoona sida la sheegey uga tagey mey ahaan waloow uu xiligaa dhaawac ahaa waxana markiiba loola cararey cisbitaalka inkasto uu markii danbe u geryoodey dhaawici soo garey.
Taliyaha ciidamada booliska ee maamulka gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle oo warbaahinta lahadley ayaa sheegey in dilkaan ay geesten sida loo xaqiijiyey kooxo bastoolado ku hubeysan,waxana uu intaa ku darey inay xiligaan kudaba joogaan kooxahaasi sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayen.
Cor.Isaaq Cali Cabdulle waxaa uu sidoo kale hadalkiisa kusoo qadey in ay wadaan howlgallo ay ku doonayan inay ku xaqiijiyan amniga ayna ku baadi goobayaan kooxihi dilka ugestey guddoomiye ku-xigeenki maxkamada Baladweyn.
Magaaladda Baladweyn ayaa muddaan danbe ahyed mid aysan ka dhiciin dilalka qorsheysan oo intabadan ka dhaca goboladda Soomaaliya,balse dilka ayaa noqonaya mid dib usoo cusbooneysiya inay wali Baladweyn ay ka socdaan dilalka qorsheysan.
RBC Radio