Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Waali dhaqan waa sidee. W/Q Ahmed A. Ali

$
0
0

Waali dhaqan waa sidee:
Ahmed A. Ali
ahmedqadhabo@gmail.com
Luulyo 21 2o13

MAQAALWaali dhaqanku wuxuu ka mid yahay, dhaqamada xun ee laga dhaxlo isticmaalka noocyada kala duwan ee maandooriyayaasha. Waali dhaqanka isu soo jiida Ragga & Dumarka si ka baxsan shareecada islaamka ayaa ku badan maandooriyaha qaadka. Waali dhaqanka khamrigu wuu ka badanyahey ka qaadka oo waa waali rasmi ah iyo doqoniimo wada socda oo dadka isticmaalaa cagahooda ku raadsadaan. Inta badanna raga iyo dumarka wada cabbaa wey kala waashaan wuxuuna sababi karaa dil, kufsi iyo danbiyo kale oo ka sii waaweyn. Mujtamaca Soomaalidu wuu ka feejiganyahay Waali dhaqanka khamriga. Hadaba Waali dhaqanka qaadka ayaa aad ugu badan bulshooyinka Soomaalida. Wuxuu ku baahay marka laga billaabo madax sar-sare oo xilal ka haya Dawlada ilaa kuwa ugu hooseeya iyo bulshada qaybaheeda kala duwan oy ku jiraan ardayda dugsiyada wax ka barata. Sidaasoo ay tahay, hadana bulshada badankeedu ma dareensana oo waxayba u haystaan wax iska caadi ah. Wacyi galina laguma dayin lagu baraarujinayo jiritaanka iyo waxyeelada waali dhaqanka qaadka marka laga reebo, dagaalka weyn iyo halganka dabargoynta ah ee uu kula jiro Caqliweyne Abukar Awale (Qaad Diid).

Waali dhaqan waa sidan:

Iyadoo aan la soo koobi kareynin  dhibaatooyinka qaadka, ayaa halkan tusaale ahaan waxeynu ku eegaynaa, waali dhaqan isu soo jiidaya wiil arday ah iyo gabadh dhalinyara ah oo labaduba qaadka cuna. Waali dhaqanku isla gabadhaa lafteeda wuxuu ka fogeynayaa, nin gayaankeeda ah oo aan qaadka cunin oo in badan isku dayey in uu guursado.

Wixii rag u kaco, Dumarkuna ku raacaan
Rabbina aqbalo, waa rumoobaan.
Caqliweyne Abukar Awale (Qaad diid). 2013

Waa goor casar liiq ah, oo cadceedu godka sii galeyso. Hawwo macaan baa dhacaysa oon aad u qaboobeyn. Saakana roob baa da’ay, waana la filayaa, xilliguna waa barwaaqo sooran.

Waa magaalo yar, dugsi weyni ku yaallo iyo meherado dhawra. Qaadkii cusbaa ayaa soo dhacay. Wiiggii mar ama laba goor ayaa la keenaa. Waa bahal cajiib ah. Waayadaa lama arag. Garaababa maleh. Subaggaa da’ayah. Midh laga tuuri mayo. Qori waliba fartaasuu buurrida la’egyahay. Waa dhagayare. Waa qori cas. Waa kii wiilasha lagu dhali jirey. Waa kii …waa kii ayaa meel walba la isla dhex marayaa. Mid cuna iyo midaan cuninba amaantiisaa la wada hayaa. Waa balaayo baase, markuu soo galo magaalada,  shanqadhaa korodha. Dadka iyo gaadiidka tirada yar ee magaaladu leedahaa is dhaafdhaafa. Ka heli karaa horuu ka qaataa oo wuu fadhiistaa. Kaan heysanna meel uu ka sii amaahdo iyo macaamiishuu baadh-baadhaa. Ardaygu tacliinta kuma xuma, waliba inta kale badi wuu ka sittaa. Dadaal ma leh intuu qaadka bartay, fahmo badan baase ilaahey siiyey. Kartibuu u dhashey, qaadkuuse ku walfey oo dib u riixayya. Magaalada waxaa ku taala meherad weyn oo waxyaabo kala duwan lagu iibiyo oo qaadku ka mid yahey. Qayb walba dad gaar ah baa ka shaqeeya, guudkana gabadh baa ka wada maamusha.

Gabadhu waa mulkiilaha ganacsiga. Waa gabadh ilaahey joog iyo jamaalba u dhameeyey. Waxeyse sida ardayga ku walaftey qaadka. Shaqadeeda wali wey ka adagtahay. Waxey ka mid tahay dadka yar ee  faro ku tiriska ah een qaadku shaqada u diidin. Waxaanse ka maqneyn waali dhaqanka qaadka. Markuu soo dhacayba intey yara baxday ayey deg-deg u soo cuntey in yar oo uurbeyso ama iney le’eg. Aqalkeedaan fogeyne dhakhsey meheraddii ugu soo noqotay. Ardaygii maalinkaa wali mijintii ma soo qaban. Qaadkaa sittee, meelo hore uu wax ka sii yara qaad qaatay ayuu is yidhi u doono. Wali muu gasariirine, hadana wuu ka yara maagey. Wuxuu yidhi, marbey maankayga ku soo dhacday, ma u tagtaa gabadhii lahayd meheradda magaalada u weyn. Misana waan ka yara maagey.

Waxaan is idhi taasi kulaba hadli meyso, hadana yeelkadeede isku qaad. Misana waan ka yara maagey. Waxay ku amaahiso daaye, armey ku ceebeysaa oy dadka kale ku maqashiisaa. Qaadkay ammaanayeenbaa maskaxdayda ku wareegayee, soo mar qudha ismaan arag anigoo dhextaagan macdaarkii magaalada u weynaa. Calool adayg waa rag wehelkiiye, intaan qaadka la dhameysan, maamulaha guud iyo mulkiilaha u tag. Iskaba daayoo kaba seexo. Iskuulkaagii iska tagoo wax is ka akhriso soo intaba  ismaan odhan. Meel aanan fileyn soo maamulihii kamey soo bixin. Saanee: naa bal warran, miyaan la isba salaameyn. Seytee: miyaad igaba sugtey. Saanee: maxaan kaa sugaa, waxaan is lahaa gacantaa lagaa salaamayaa, waa lagu soo dhaweynayaa oo wan baa laguu qalayaa. Seytee: wax ka badan baad istaahishaa, laakiinse, soo horta in lagu arkaa kama horeyso. Saanee: hawlahaa igu badnaa, imtixaanana waanu lahayn. Seytee: iska daa waanad na rabine, jaarkayganba waad timaadaa oo halkaasaad ka noqotaa. habeyn dhaweydna, halkaasaaban kaa maqlayey oo waxaad qaadeysey hees aan jeclahay. Saanee: naa waa mar-mar aan soo yara maro. Waayo anigu meelahan oo kale ma fadhiisto, ee waxayaga intaanu iskuulka kula noqonno ayaanu qalaylka ku liqnaa.  Waxaanse ku weydiiyey, waa tee heesta aad jeceshahay. Seytee: waa hees aan aniguba qaado, adiga wax kuu geeyey garanba maayee. Waa hees ay qaado fannaanada weyn ee Hibo Maxamed. Waa hees wiil ay jeceshahay, si ay ugu sheegtana garan la’dahay. Saanee: oo magaceed. Seytee: magaceeda anigaa kuu sheegi doonee, maxaa ku fadhiisinaya iskuulka, aqalkaygaan ku soo tusayaaye, halkaa kaalay markaad rabto inaad fadhiisatid. Mar danbana qalayl iyo rafaad ha ku qayilin. War ileyn tanoo kale. Indhahaan kaga brig-brig siiyey. Anigii baa rumeysan waayey waxaan arkayo ama maqlayo. Heestan ay sheegeysana markiiba gartay. Macnaheeda iyo ujeedadana markiiba maleeyey. Maskax garaadaa i shaqaysay. Mijin horoon ka amaahday oo maankeygaba ka baxday iyo mas’alooyin horaan xasuustay.  Arday aanu saaxiib nahay baa, mar sii horeysay oo muddo laga joogo igu yidhi:  Gabadhaasi markaan arkaba wey ikaa weydiisaa. Waxay tidhaahdaa salaan diiran iga gaadhsii. Aniguna hoostaan ka odhan jiray: faan weynaa, ma anigaa ayaankaaba leh. Mar walba waxaan u qaadan jirey inuu ila kaftamayaa. Anigoo xishooday oo isku yara meeraystay bay aragtay. Iska fadhiiso waan kuu soo noqone, bay si hoose ii tidhi. Wax yar dabadeed waxaan is arkay anigoo maqsin weyn oo muraayado badan dhextaagan. Minanku minankaagii waaye, waan inna soo maamulayaa, shaqaalahana waan la soo ballamayaa ee isa sii kala bixi (ma awalbaan isku jirey) hadaad wax u baahatana, halkaa taabo, shaqaalahaa kuu imandoontee soo la ima odhan. Oo macawis udgoon iyo maryihii qaadka la ima odhan, waa kuwaase qaado. Soo oon heer sare ah, qaboow iyo kulayl ba leh mac-macaan ku jiro la ima  cunsiin. Macdan baa la iga baadhayaaye soo maydhasho wacan la iima diyaarin. Soo laamaha qaar fiidkaba maan sii feen-feenan. Soo maamulihii mashruucan oon waa hore miliilicay, maankaygase ka weyneyd iimay soo noqon. Magaalada oo dhanbaa sida koobka aduunka tartan ugu jirtee, anigoon is reeb-reeb soo marin soo cidla kamaan helin. Soo markaa labadiinu  mirqaankii miliiniyamka oon laba gaadhin iyo mawjado dhaa-dheer wada fuulimeysaan. Soo heestay jecleyd iyo kuwo kaleba wada qaadi meysaan. Soo galinka danbe labiga dhawr goor ka soo boodimeysid. Adigoon fileyn, soo waagu sidaa ku baryimaayo. Soo diigii waabari ciyi mayo. Arday baad tahaye soo hoosta ka nixi meysid. Waa goor horee, iska joog, barqadaad kiciye sii yara fadhi soo lagu odhanmaayo. Miyir ma jiree, tani waa maskax miidhan, maxay macluumaad haysaa (halkey maskaxdiyo & macluumaadku joogaan) markalaad soo noqondoontaaye la sii yara joog soo is odhanmeysid. Manhajkaagii markaa soo ku seegi meysid. Maalinta danbe mid macalinoo camal xun, oo maadada ingiriiska dhiga soo kalimaad badan marqudha ku weydiin mayo.

Mid-mid u macnee soo ku odhan maayyo. Muraad kaluu leeyahee soo iskakaa maagi maayyo.

Mar danbaan  wax ogaaday. Shaw macallinku shaluu sheeda iga arkay. shaw intaan shooladda ku jireyba shaydaan baa u waramaayey. Shaw shilimadiisa badanaa halkaasaa shubata. Shaw tiraba shan goor mar-marsiinyo aan macno lahayn iyo maanaa guurba gaadhey, ganacsato weyn baan ahay, ninba uma baahni iyo muran soo mutuxan baa lagu masheysiiyey. Soo Waali dhaqanka qaadku aniga iyo macalinkii iskumuu kaayo dhufan. Soo iskuulkiiba igamuu eryin. Soo isbatoorihii bileyska iigumuu yeedhin. Soo magaalada ka wajaaf, habluhuu kharibayaaye kumuu odhan. Soo mooradii muraayado badan, madrasaddii iyo magaaladii mar la igama wada musaafurin.

Mahadsanidin;

Ahmed A. Ali

E-mail: ahmedqadhabo@gmail.com

========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles