Muqdisho(RBC Radio) Kala fadhiga aan caadiga ahayn Kulankiisa 10aad oo ay maanta Muqdisho ku yeesheen mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxa shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana soo xaadiray kulanka maanta 184 xildhibaan.
Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa kadib furitaankii kulanka maanta guda galay ajandayaasha shirka oo kala ahaa ka doodida heshiiska Milateri ee ay kala saxiixdeen wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo dhigeeda dalka dalka Turkiga iyo warbixin laga dhegeysanayey xildgibaano hawlo shaqo loogu diray K/Suudaan.
Ka hor inta aysan mudanayaashu guda galin doodda ay ka yeesheen heshiiska Milateri ee xukuumadda Soomaaliya ay la gashay dalka Turkiga ayaa waxaa mudanayaasha baarlamaanka warbixin ku aaddan heshiiska iyo faa’iidada uu u leeyahay Soomaaliya mudanayaasha u akhriyey gudoomiyaha gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise.
Mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa intaa kadib guda galay dood kulul oo ay ka yeesheen heshiiska Milateri ee ay wada galeen Soomaaliy iyo Turkiga,gudoonka kulanka baarlamaanka ayaa go’aamiyey in heshiiska cod la geliyo.
Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay natiijada codeynta wuxuuna sheegay in 170 Xildhibaan ay ogolaadeen heshiiska,14 ay diideen halka 3 xildhibaane ay ka aamuseen,wuxuuna ku dhawaaqay in heshiiskaasi uu yahay ansax.
RBC Radio
Muqdisho