Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,kulanka ayaa ka dhacay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Villa,Baydhabo.
Kulanka dhexmaray Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen ayaa waxa uu madaxweynuhu kala hadlay Saraakiisha sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya maadaama qayb ahaan la qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd Soomaaliya iyo sidii uusan hubku uga bixi lahayn gacanta ciidanka dowladda.
Madaxweynaha ayaa intii uu kulanku socday waxa uu warbixin ku aaddan sida ay u socdaan hawlaha ciidamada dalka ka dhegeystay Saraakiishii uu la kulmay,wuxuuna ku tirtirsiiyey in saraakiishu ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii loo soo celin lahaa cududii ciidamada si ay u hantaan sugidda amniga dalka oo ay xiligan gacan weyn ka geysanayaan ciidamada shisheeye ee dalka jooga.
Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay saraakiisha ciidamada in hubku uusan ka bixin gacanta ciidamada dowladda,wuxuuna xasuusiyey in muddo hal Sano ah oo tijaabo horu dhac ah laga qaaday Xayiraadii hubka ee saarnayd Soomaaliya.
Xasan SH Maxamuud madaxweynaha dalka ayaa ugu danbayntii ugu baaqay saraakiisha ciidamada in lasoo afmeero dhibaatooyinka iyo cabashada shacabka ee la xiriirta dhibaatada ay ciidamadu kula kacaan,wuxuuna si adag u sheegay in tallaabo adag laqa qaadi doono askarigii shacabka dhibaateeya iyo sarkaalka xukuma intaba.
RBC Radio
Muqdisho