Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

SH Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlay dhibaatada Tahriibka,baaqne u diray maamulada dalka ka jira

$
0
0

umalNairobi(RBC Radio) Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah culimada  Soomaaliyeed ee ugu caansan ayaa ka hadlay dhibaatada uu tahriibku ku hayo dhalinyarada Soomaaliyeed,SHeekha ayaa shaaca ka qaaday in sida kaliya ee looga hortagi karo dhibaatada Tahriibku ay tahay in dadka Soomaaliyeed ee wax haysta iyo Nidaamyada dalka Soomaaliya ka jira iney iska kaashadaan sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Sheekh  Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay iney muhim tahay in dhalinta Soomaaliyeed loo helo shaqooyin iyo Waxbarasho si aysan ugu fikir tahriibka iyo waxyaabaha la midka ah,wuxuuna ku booriyey shirkadaha ganacsiga iyo dadka hantida haysta  iyo maaulada kala duwan ee  dalka ka jira iney xil weyn iska saaraan sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

SH Umal ayaa ka hadlay waxa ay diintu ka qabto in nafta qatar la galiyo isla markaane loo bareero dhibaatada Tahriibka,wuxuuna tilmaamay in shareecadu ay si weyn uga hadashay Ilaalinta Shan arin oo uu sheegay iney ugu horeeyaan Diinta iyo Nafta,wuxuuna xusay in Diintu ay farayso in Nafta laga ilaaliyo wax walba oo dhibaato ku ah isla markaana halis galin kara.

Tahriibka ayaa dhibaato aan la qarin karin ku haya bulshada Soomaaliyeed sanad walba boqolaal Dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa dalka qaybihiisa kala duwan kla hayaama kuwaas oo qaarkood naftooda ku waaya badaha u dhexeeya Liibiya iyo Talyaaniga halka qaar kalane ay ka buuxaan Xabsiyada wadamada qaaradda Afrika iyo meelo kalaba.

 

 

 

RBC Radio

Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles