Muqdisho(RBC Radio) Gudiga Gaadiidka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay wasaaradda Gaadiika xukuumadda Soomaaliya iney baarlamaanka usoo gudbiso sharciga Gaadiidka dalka gudoomiyaha gudiga Gaadiidka golaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow ayaa ugu baaqay masuuliyiinta wasaaradda Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya iney sida ugu dhaqsaha badan usoo gudbiyaan hindise sharciyeedka Gaadiidka dalka.
Xildhibaan Cismaan Dhuubow ayaa sheegay in wasaaraddu ay ka gaabisay soo gudbinta sharciga wuxuuna tilmaamay iney ahayd in mar hore baarlamaanka la hor keeno sharciga Gaadiidka dalka,wuxuuna farta ku fiiqay iney xiligan jirto baahi weyn oo loo qabo in la helo sharciga Gaadiidka dalka.
Gudoomiyaha gudiga Gaadiidka baarlamaanka xildhibaan Cismaan Aadan ayaa tilmaamay in gudogoodu aysan waxba kala socon dhaqaalaha soo gala waaxda Gaadiidka taasine ay adkaynayso iney la xisaabtamaan,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in helidda sharciga Gaadiidku ay wax ka qaban doonto dhanka amniga dalka iyo shilalka isbajoogga ah ee dalka ka dhaca.
Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow ayaa sheegay in hadii uu hagaagsanaan lahaa isla markaane uu jiri lahaa sharciga Gaadiidka iney sahlanaan lahayd dabagalka iyo la socodka Gaadiidka Qaraxyada lagu geysto,wuxuuna ku booriyey wasaaradda Gaadiidka iney sida ugu dhaqsaha badan usoo gudbiso sharciga Gaadiidka.
Gaadiidka dalka Soomaaliya ayaan xiligan lahayn wax shuruuc ah oo kala haga,waxaana marar badan soo noq noqday shilal ay dad badani ku waxyeeloobaan kuwaas oo loo aanaynayo wadayaasha gaadiidka oo aan lahayn aqoon iyo qibradii ku filan iyadoo ay jirto ineysan jirin cid la xisaabtamaysa iyo shuruuc ay u hogaan samayaan maadaama uusan dalku lahayn dowlad dhexe tan iyo wixii ka danbeeyey burburkii dowladdi milateriga sanadkii 1991-kii
RBC Radio
Muqdisho