Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay iney dad u hayaan dilkii gudoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshid

$
0
0

banaadirMuqdisho(RBC Radio) Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay iney dad usoo qabteen dil dhawaan magaalada Muqdisho loogu geystay gudoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshid Raxma Daahir oo ay toogteen kooxo bistoolado ku hubaysnaa,afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay iney jiraan tiro dad ah oo ay u hayaan dilka Raxmo Daahir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan eedeysanayaasha ay ku tuhmayaan iney masuulka ka ahaayeen dilka gudoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Wuxuuna tilmaamay iney hay’adaha amniga ka sugayaan iney cadaaladda mariyaan kooxahan loo hayo dilka Raxma Daahir marka uu soo dhammaado baaritaanada lagu hayo,afhayeenka gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray in dilalka qorsheysan ee xiliyada qaar Muqdisho ka dhaca ay yihiin fariin ay doonayaan in kuwa nabad diidka ah ay ku muujiyaan in Muqdisho aysan amni ahayn balse wuxuu hoosta ka xariiqay in amniga Muqdisho uu yahay mid wanaagsan.

Wuxuuna ka codsaday shacabka Soomaaliyeed iney maamulka gacan ka siiyaan xaqiijinta nabadgalyada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,isagoona kula dardaarmay iney Nalal ku xiraan Guryahooda hortooda taasoo uu sheegay iney nabadda qayb ka qaadanayso.

Hadalka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee ku saabsan iney gacanta ku hayaan dad lagu tuhunsan yahay dilka gudoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshid ayaa ah tallaabo hore loo qaaday maadaam marka ay koox hubaysan dil Muqdisho ka geysato lagu soo koobi jiray koox aan la aqoon ayaa dilka geysatay goobtane wey ka baxsadeen markii ay dilka geysteen kadib.

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles