Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Banaadir oo sheegay iney cadaaladda horkeeni doonaan kooxihii Muqdisho ku dilay g/xigeenkii degmada Yaaqshid

$
0
0

banaadirMuqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa si kulul u dhaleeceeyey dilkii shalay Maqribkii Muqdisho loogu geystay Alla ha u naxariistee Raxmo Maxamed Daahir oo ahayd gudoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir,Kooxo bistoolado ku hubaysan ayaa shalay gabal dhicii Raxmo ku toogtay xaafadda Juungal xili ay kusii jeeday hoygeeda.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu cambaaraynayo dilka gudoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshid,wuxuuna sheegay iney socdaan baaritaano la xiriira sidii loo soo qaban lahaa dhagar-qabayaashii dilkaasi geystay.

Maxamed Yuusuf ayaa tilmaamay in laamaha ammaanku ay kusoo wargeliyeen iney dileen qaar kamid ah gacanku dhiiglayaashii dilka ka danbeeyey qaar kalane ay ku raad joogaan,wuxuuna carrabka ku adkeeyey in caddaaladda la horkeeni doono danbiilayaashii masuulka ka ahaa dilka gudoomiye ku xigeenkii  degmada Yaaqshid.

Falal liddi ku ah amniga ayaa maalmahan danbe kusoo badanayey magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa si isku mid ah ugu celceliya iney wax ka qabanayaan amni xumada kusoo kordheysa caasimadda Muqdisho.

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles