Muqdisho(RBC Radio) AMISOM ayaa sheegtay inuusan waxba u dhimi doonin hawlgalka ay ciidankoodu ka hayaan magaalada Kismaayo qaraxii shalay ciidan ka tirsan AMISOM lagula eegtay magaaladaasi,warsaxaafadeed kasoo baxay taliska AMISOM ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeyey weerarka Miino eeKismaayo lagula beegsaday gaadiidka AMISOM.
Warsaxaafadeedka oo uu soo saaray taliyaha ciidamada AMISOM Andrew Gutto ayaa waxa lagu sheegay in ciidamada AMISOM aysan wax saamayn ah ku yeelan doonin hawlihii ay ku taageerayeen shacabka Soomaaliyeed ee ay ka wadeen magaalada Kismaayo Qaraxa lala bartilmaameedsaday.
Taliska AMISOM ayaa ku sheegay warsaxaafadedka kasoo baxay in khasaaraha ka dhashay weerarkaas uu gaarayo dhaawaca 3 askari oo AMISOM ah iyo 2 ruux oo rayid ah sida lagu sheegay warka kasoo baxay AMISOM,waxaana ay AMISOM sheegtay in dhibanayaashaasi ay heleen gurmad caafimaad oo deg deg ah kadib markii la gaarsiiyey xarumaha caafimaadka ee AMISOM.
Jen. Andrew Gutto taliyaha ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si adag u sheegay ineysan AMISOM hawlaha ay ka hayso Soomaaliya u hakin doonin Qaraxyo lagu qaado,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
RBC Radio