Baydhabo(RBC Radio) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ku waramaya in maanta Duhurkii ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay bartamaha magaalada Baydhabo ku dhaawaceen gudoomiye ku xigeenkii degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maxamed Macalin Ibraahim.
Dhaawaca gudoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo ayaa yimid kadib markii la sheegay in ciidan ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ay is hortaag ku sameeyeen Suuq la doonayey in laga dhiso xaafad ka mid ah magaalada Baydhabo,waxaana la tilmaamay in halkaas uu ka dhashay is qab-qabsi,ciidanka diidanaa in Suuqa goobta laga dhiso ayaa dalbaday in maamulka magaaladu ay goobta yimaadaan si arinta loo xaliyo.
Balse waxaa la tilmaamay in abbaare 12:30 Duhurnimo ee maanta inuu goobta gaaray gudoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo,waxaana la soo sheegayaa in markii uu gaarigiisa kasoo dagay ay Tacshiirad huwiyeen ciidamadii goobta ku sugnaa,Rasaasta lagu furay gudoomiye ku xigeenka ayaa dhalisay dhaawaca gudoomiye ku xigeenka degmada Baydhabo.
Maxamed Macalin Ibraahim ayaa la sheegayaa iney 4 Xabadood ku dheceen,waxaana dhaawiciisa loola cararay Cisbitaalka guud ee magaalada Baydhabo oo lagu dabiibayo xaaladiisa Caafimaad,lama oga sababaha keenay in ciidamadu ay rasaasta la beegsadaan gudoomiye ku xigeenka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.
RBC Radio