Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Banaadir oo sheegay inuu meel wanaagsan marayo qorshe lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho

$
0
0

banaadirMuqdisho(RBC Radio) Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu meel wanaagsan u marayo qorshaha ay ku doonayaan iney ku xaqiijiyaan amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo warbaahinta la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in maamulku uu wado dadaalo ay ku doonayaan iney ku sugaan nabadgalyada caasimadda Muqdisho.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in sida dolwadda federaalka Soomaaliya ay ahmiyadda Koowaad,Labaad iyo Saddexaad ay u siisay sugidda amniga iney iyagune amniga ka dhigeen ahmiyadooda Koowaad,wuxuuna ku nuuxnuuxsaday iney wadaan qorshe ay ku doonayaan iney  shacabka iyo Laamaha ammaanka ay si wadajir ah uga wada shaqaynayaan sugidda amniga magaalada.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyey in hadii lagu guuleysto sugidda amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ay sahlanaan doonto sugidda amniga gobolada kale ee dalka,wuxuuna ku celceliyey in si loo helo Muqdisho oo nabad ah ay muhim tahay iney arintaas iska kaashadaan Laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

“Waxaan diyaarinay sidii ay u wada shaqayn lahaayeen   laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho,waaana sidaas sida kaliya ee lagu xaqiijin karo amniga magaalada Muqdisho”ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal ugu jira sidii uu u xaqiijin lahaa amniga magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya oo ay xiliyada qaar ka dhacaan falal liddi ku ah amniga magaalada,sida qaraxyo,dilal qorsheysan iyo weeraro gaadmo ah oo ay magaalada ka geystaan  alshabaab.

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles