Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Hiiraan oo fariin culus u diray ciidamada booliska ah ee ka hawlgala gobolkaas

$
0
0

laqanyoBeledweyne(RBC Radio) Maammulka gobolka Hiiraan ayaa digniin u diray ciidamada booliska ah ee ka hawlgala gobolkaas gaar ahaan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa soo saaray digniin uu u jeedinayo ciidamada booliska ah ee ka hawlgala magaalada Beledweyne.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in askarigii ka tirsan ciidamada booliska gobolka Hiiraan ee aan soo xaadirin Tababar ciidamada booliska shalay uga furmay magaalada Beledweyne inuusan wax xuquuq ah ku lahayn maamulka gobolka Hiiraan isla markaane aan loo aqoonsan doonin askari ka tirsan ciidamada nabadgalyada maamulka.

Cabdi Faarax Laqanyo ayaa shaaca ka qaaday in askarigii aan u dhega nuglaan amarka maamulka uusan kasii mid ahaan doonin ciidamada booliska gobolka,wuxuuna si cad u sheegay in lagala wareegi doono,Hubka,Dirayska iyo Masuuliyadda uu ciidanka u hayo intaba.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in askartii hore sida uu sheegay oo qaarkood haya shaqooyin muhim ah wixii kasoo hara aan wax cudur daar ah laga yeeli doonin ineysan kasoo qabygalin tababarkan cusub ee ciidamada looga furay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Shalay ayey ahayd markii Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah ciidamada  nabad ilaalinta midowga Afrika  ee AMISOM ay xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne tababar uga fureen ku dhawaad Labo Boqol oo askari oo ka tirsan ciidamada booliska gobolka Hiiraan,tababarkan ayaa la sheegay in kor loogu qaadayo heerka aqooneed ee ciidanka booliska si ay u gutaan waajibka ka saaran sugida amniga gobolka hiiraan.

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles