War-Murtiyeed: Mowqifka NUSOJ ee Hindise Sharciyeedka, iyadoo Xaqiijineysa Xorriyada Hadalka iyo Midda Saxaafadda.
July 16, 2013
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) oo ah hay’ad qaanuuni ah, isla markaana mideysa suxufiyiinta Soomaaliyeed, ayaa soo dhoweeyay go’aankii Golaha Wasiirada ay dhowaan ku ansixiyeen hindise sharciyeedka qabyo qoraalka ah ee Saxaafadda, kuna tilmaamay tallaabo horumar leh, iyadoo sharciga saxaafadda ahaa mid ka tarjumayay afkaarta suxufiyiinta iyo bahda Saxaafadda, isla markaana uga mahadceliyey suxufiyiintii taladooda ka soo dhiibanayay, kuna dhiirigeliyey in suxufiyiinta aan heysan sharcigana ay kala baxaan lifaaqa, si ay ra’yigooda ugu soo biiriyaan. Iyadoo NUSOJ ay xaqiijineyso wax walba oo ay ku xaqiijineyso xorriyadda hadalka iyo tan saxaafadda, maadaama hoggaanka ururkuba yahay Suxufi shaqeeya.
Illaa iyo hadda qodobada suxufiyiintu ka soo talo bixisay ayaa ahaa kuwo lagama maarmaan u ah xorriyadda saxaafadda, isla markaana Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu talooyin hordhac ah u gudbiyey wasaaradda Warfaafinta (sida ku cad lifaaqa), iyadoo wasaaraddu balanqaaday in lagu deri doono sharciga ka hor inta aan baarlamaanka la horgeynin. Xitaa haddii baarlamaanka loo gudbiyo, baarlamaanka ayaan kala shaqeyn doonaa in aragtiyada suxufiyiinta intii laga tegay lagu dhameystiro.
Haddaba, iyadoo dhowaan Golaha Wasiirada ansixiyeen hindise sharciyeedka, ayaa waxaa jira fursado ay heystaan bahda saxaafadda oo ah inay weli taladooda ku biirin karaan, waayo hindise sharciyeedku waxa uu sharci dhaqangal ah noqonayaa marka baarlamaanku ansixiyo, madaxweynaha Jamhuuriyaddana uu saxiixo, laguna soo saaro faafinta rasmiga ah ee dowladda. Fursadaha ayaa labo u qeybsamaya, fursadda koowaad oo ay Wasaarada warfaafintu siisay bahda saxaafadda oo ah inay aragtidooda ku biiriyaan inta aan baarlamaanka la horgeynin iyo fursadda labaad oo noqonaysa mid ay baarlamaanka qaranku siinayaan suxufiyiinta.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ku dhiirigelinayaa suxufiyiinta inay hab wax dhiseysa ay taladooda ku soo dhiibtaan, loona baahan yahay in si wadajir ah looga qeyb qaato hindise sharciyeedka, taasina micnaheedu ma ahan in NUSOJ difaaceyso wasaarada, balse ay tahay in NUSOJ ay difaaceyso danaha Suxufiyiinta.
Xoghayaha Guud ee Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed, Md. Maxamed Ibrahim ayaa caddeeyay in uu isagu yahay suxufi shaqeeya, wax walba oo dhibaaya suxufiyiinta ay dhibayaan, isagoo intaa ku daray in marnaba aanu NUSOJ raali ka noqoneyn wax dhibaateynaya suxufiyiinta iyo bahda saxaafada guud ahaan, balse ku tilmaamay fursada ay heystaan suxufiyiinta Soomaaliyeed mid dahabi ah.
Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu bilaabay horumarinta qorista Sharciga saxaafadda sanadkii 2007, iyadoo ururku uu shirkii ugu horeeyey oo arrintaas looga tashanayay, isla markaana shirkaas ay la soo qabanqaabisay wasaarada warfaafinta ku qabtay magaalada Baydhabo, halkaas oo lagu doortay Golihii Saxaafadda Qaranka ee la kala diray oo NUSOJ hormuudka ka ahayd, isla markaana qorista hndise sharciyeedkaas ku bixisay dadaal badan, si loo xaqiijiyo madaxbanaanida saxaafada iyo xorriyadda hadalka. Balse markii Baarlamaankii KMG ah ee fadhigiisu ahaa Baydhabo loo gudbiyey sharciga uu wax ka bedel sameeyay, isla markaana ku biiriyey qodobo ka hor imaanaya xoriyada hadalka, isla markaana caburinaya saxaafada, waxa uuna madaxweynihii geeriyooday ee xiligaas, Col. Cabdullahi Yusuf Axmed ka codsaday in aanu saxiixin sharciga Saxaafada, inta qodobada khatarta ku ah bahda saxaafada wax ka bedel lagu sameeyo, waana uu aqbalay codsigii NUSOJ.
Kadib, NUSOJ waxa ay halgan dheer u gashay sidii isla xeerkaas qabyada ah loo horumarin lahaa, iyadoo kulamo is daba jog ah ugu qabatay bahda saxaafada magaalada Muqdisho laga soo bilaabo sanadkii 2012 bishii April, kadib codsi ay u qortay Wasaarada Warfaafinta oo ku aadanaa in xeerka saxaafada dib gacanta bahda saxaafada loogu soo celiyo si ay ugu biiriyaan talo bixintooda. Kulamadaas waxaa xigay kulamo ay wasaarada warfaafinta soo qabanqaabisay iyo UN-ka soo qabanqaabiyeen ujeedkooduna ahaa in la xaqiijiyo in xeerka lagu biiriyo aragtida bahda saxaafaddda, iyadoo islla xeerkan ay ka talo bixiyeen hay’ado caalami ah sida Article 19, khabiir ka socday jaamacadda OXFORD. NUSOJ waxa ay ka xuntahay in sharcigan aan la gaarsiin Gobolada dalka, maadaama uu yahay sharci saxaafadeed oo federal ah, balse waxa ay Ururku ku dadaali doonaan in ay sharcigan gaarsiiyo gobolada dalka oo dhan qaab walba oo suurogal ah, si suxufiyiinta gobolada fursado ugu helaan inay taladooda ku biiriyaan.
Intii talobixinta sharciga socotay, waxaa ay iska dhex magaaceen guddi ka kooban shan qofood oo ku metelayay warbaahinta madaxa banaan iyo ururka suxufiyiinta, talobixintii ka soo baxdayna loo gudbiyey Wasaarada Warfaafinta, iyadoo ku mahadsan sida wanaagsan ee ay u tixgelisay aragtida bahda saxaafadda.
Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim ayaa sidoo kale caddeeyay in masuuliyada ay hayaan ay u hayaan suxufiyiinta Soomaaliyeed, isla markaana ay ku tahay amaano ay iyagu u dhiibteen, berritana cidii ay u doortaan ay ku wareejin doonaan. Balse uu uga digay suxufiyiinta inay ku fikiraan in ururkoodii ka hiilinayo, isla markaana u qaadayo wax aan u qaadmin. Balse hoosta ka xariiqay in suxufiyiintu noqdaan kuwo dalkooda u adeegaya, iyadoo ururku uu wada shaqeyn buuxda la leeyahay dhamaan laamaha kala gedisan ee dowladda Federalka keliya sidii loo ilaalin lahaa danaha suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo horumarintooda.
Balse aanu marnaba raali ka noqoneyn fowdo iyo kala dambeyn la’aan.
Sidoo kale, Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Md. Maxamed Ibrahim mar la weydiiyay is diiwaangelinta Wasaarada Warfaafinta ku dhawaaqday ayaa sheegay in is diwaangelintaasi ay tahay oo keli ah in wasaaraddu hesho inta warbaahinood ee howlgasha dalka si ay Directory wasaaraddu leedahay loo sameeyo, waana lacag la’aan, sida wasaaradda Warfaafintu u xaqiijisay NUSOJ.
NUSOJ waa difaacaha Xorriyada Hadalka iyo Madaxbanaanida saxaafada iyo Xuquuqda Suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo NUSOJ balanqaadeyso in aanay marnaba u tanaasuleynin xuquuqda suxufiyiinta iyo madaxbanaanida warbaahinta Soomaaliyeed. NUSOJ dhowaan ayaa waxa ay suxufiyiinta iyo bahda Saxaafada u qaban doontaa kulan wadatashi ah oo laga arrinsanayo arrimaha taagan. <DHAMAAD>
–
For further information, please contact:
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
press House, Taleex area, Hodan District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 1 859 944,
e-mail: nusoj@nusoj.org.so / nusojsomali@gmail.com or nusoj@ymail.com
E-Newsletter: newsletter@nusoj.org.so
Internet: http://www.nusoj.org.so
Follow us on Twitter: @NUSOJ_Somalia
Follow us on Facebook: NUSOJSomalia