Aragtida Suxufiyiinta ee ku aaddan in Dib u sixid lagu sameeyo Hindise sharciyeedka Saxaafada
Qodobka 4aad
Warbaahinta Gaar ahaaneed
1. Waxaa loo oggol yahay in warbaahin gaar ahaaneed ay furan karaan urur, shirkad ama muwaadin kasta oo Soomaali ah, haddii ay buuxiyaan shuruudaha hoos ku xusan:
b) In daneeyaha doonaya in uu furto warbaahin uu wada-tashi la sameeyo Golaha Saxaafadda Qaranka (oo hoos taga Wasaaradda Warfaafinta) arrimaha ku saabsan nooca, awoodda, tayadda, qaabka shaqo, kanaalka ama hirarka (frequency-ga) ee saxaafadda uu isticmaalayo ka hor hawl-galka. (Waxaan soo jeedineynaa in laga saaro inta boldiga ah (oo hoos taga wasaarada warfaafinta), waayo waxa ay dhaawaceysaa madaxbanaanida Golaha.
Qod. 5aad: HAY’ADAHA SAXAAFADA SHISHEEYE
Farqadiisa 4aad: Wakiilada hay’adaha warbaahinta iyo wariyayaashooda haddii lagu soo eedeeyo inay ku xadgudbeen xeerkan waxaa si ku meel gaar ah looga joojin karaa shaqada illaa iyo inta dacwadiisa dhamaaneyso, WAA IN FARQADAAS MEESHA LAGA SAARO, LAGUNA BEDELO, “Haddii ay ku cadaato eedaha loo soojeediyey” maadaama qof aan waxba lagu soo cadeyn aanu macquul ahayn in shaqada laga fariisiyo.
Farqada 5aad: Hay’adaha warbaahinta shisheeye marka ay wakiil u soo dirsanayaan dalka ama shaqaaleynayaan wakiil, waxaa laga doonayaa inay helaan “Ruqsad” ay ku howlgalaan oo ay bixiso wasaarada warfaafinta, iyagoo u hogaansamaya shuruucda dalka. IYADOO WAKIILADAAS LAGA DOONAYO INAY HEYSTAAN WARQAD CADEYNEYSA WAKIILNIMADIISA, HESHISKA SHAQO EE WAKIILKA OO AY KU CAD YIHIIN DHAMAAN XUQUUQAADKA UU WAKIILKAASI LEEYAHAY SIDA MUSHAHARKIISA, FASAXYADIISA, HADII AY WAX KU GAARAAN SHAQADA IN UU MAGDHOW KU LEEYAHAY HAY’ADII UU U SHAQEYNAYAY .
Qod. 6aad: QAAB DHISMEEDKA GOLAHA SAXAAFADA QARANKA
Farqadiisa 1aad: Golaha Saxaafada Qaranka wuxuu ka koobnaanayaa 15 xubnood oo ka kala imaanaya qeybaha soo socda:
1. Siddeed xubnood oo laga dhex xulo suxufiyiinta Soomaaliyeed
2. Labo xubnood oo sharciyaqaano ah
3. Shan xubnood oo wasaarada warfaafinta ka imaanaya
N.B: Sababta aanu ku dooneyno siddeeda xubnood ayaa ah in la helo Gole madaxbanaan, isla markaana waajibaadkooda u gudanaya si madax banaan. Haddii dowladdu ay xubnaheedu ku bataan, kama iibsamayo suxufiyiinta Soomaaliyeed, waxaa ayna u arkayaan hay’ad lagu maquuninayo madaxbanaanida saxaafada iyo xorriyada hadalka. Waxaana soo jeedineynaa in bahda saxaafada la in siddeed (8) xubnood, si loo hubiyo madaxbanaanida heykalka Golaha.
Qod. 7aad: Xilka Golaha saxaafada Qaranka
Farqadiisa 6aad: Waa in lagu daro warbaahinta dowladda, maadaama si gaar ah loogu xusay warbaahinta gaar ahaaneed, taasoo keeneysa muuqaal ah in golahan loo sameeyay oo keli ah saxaafadda gaar ahaaneed.
Qod. 26aad: Waajibaadka Suxufiga
Farqadiisa 8aad: Waa in laga saaro sheegista il-wareedka, isla markaana hindise sharciyeedka lagu soo daro qodobo qeexaya difaacidda ilwareedka (protection of sources)
Qodobka 27aad
Ilaalinta xaqa lahaanshaha (Copyright) (qodobkaan in sidan loo dhigo ayaan soo jeedineynaa)
1. Isticmaalka iyo amaahashada xog ama ra’yi la soo min-guuriyey waxaa fasax la weydiisanayaa qofkii curiyey xogta la xiganayo, isla markaana lagu xusayaa, waxaana reeban in la soo minguuriyo xog aan ogolaansho laga heysan curiyaha xogtaas.
Waxaa kale oo xeerkan ka maqan qodob xusaya wax ka bedelka xeerkan, waxaana soo jeedineynaa in qodobkan lagu daro, oo lagu xijinayo qodobka 28aad, waxa uuna u qormayaa sidan:
Qodobka 29aad;
Wax ka bedelka Xeerkan:
Xeerkan waxaa wax ka bedelkiisa soo dalban kara Golaha Saxaafadda Qaranka haddii ay lagama maarmaan u noqoto wadista shaqada loo idmaday, isagoo kala tashanaya Wasaarada Warfaafinta iyo Ururka Suxufiyiinta Qaranka.