In aad Masuuliyad Qaadid Garrashaa ka Horreysa
C/Qaadir X Cabdi Cumar
Shaakir1977@hotmail.com
Luulyo 17 2013
Culimada bulshadda waxa ay isku raaceen, Ummadii markay wada sinaadaan way burburaan sid oo kale maahmaah Caalami ah ayaa tidhaahda, Qofkasta haduu amiir ismoodo, waxaa lawaayi doonaa cid xayawaanka kaxaysa macnuhu waa marka qofkasta lagaranayo waxa uu ku wanaagsan yahay, isla markaana loo qirsanyahay, waxa dhacaysa waxkasta halka ay ku haboon tahay iyo qofkii ay ku ha boonanayd in lala doonto kadibna ammurahaas waxay noqdaan kuwa horumar laga gaaro, amarka iyo kaladanbeyntuna fulaan.
Badanaaba Soomaalidu waxay leedahay Caadooyin Cajiiba waxaakamid ah Caadooyin kaas waxay Geela Udiraan kii maqasha adhiga iyo loda, lagala quustay ee waxbadan oo hawl maalmeed ah guulo kasoo hoyn waayey Sidaasina waa hor usocod dib usocod,( Jug jug meeshada joog iyo bartaada hadhaafin.
Sidookale arrimuhu way lumaan marka kii loo igmaday ka soo bixi waayo waajib kiisii aadna arrimuhu waxay sii cakirmaan marka khaladka shaqsiga hogaami yaha ah lasixiwaayo layslana sixiwaayo wixii umada kadhexee yay mana aha in talada la wadaago lagusaxo gacan iyo dagaal ama carab xanaf leh ee waa in lagu saxaa lagula taliyaa hogaami yaha maskax fiican iyo caqli saliima lana sameeyo wada tashi buuxa.
Maah maah ayaa oranaysey Cududa buur maahee waa caqliga buur wax kasta oo lawada leeyahay waa in lagawada tashadaa Cida hogaanka ahna waxaa loga baahan yahay in ay cida ku haboon talada hadba meeqaanka ay joogto ay talada lawaagto umada lashaqeynaysana marka hore ay ku yimaadaan in aad masuuliyad Qaadid Garrashaa ka horreya macnaha aan wax umada kugu dhiib nee maxaa taqaan oo umada ugu shaqeynaysaa wabilahi Faataale Dejiye Towfiiq.
by C/QAADIR.X. Cabdi Cumar
Email, Shaakir1977@hotmail.com
twitter, @abdigadir abdi omer
facebok, abdigadir omar
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM