Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hay’adda MSF oo ku talisey inan dib loocelin qaxootiga Soomaalida ee kunool Kenya

$
0
0

friends_of_msf_logo_generic1

Nairobi[RBC Radio]War kasoo baxay hay’adda dhaqaatirta an xuduuda laheyn ee MSF ayaa waxaa lugu sheegey in wax haboon aysan ahyen in xiligaan dib loo celiyo qaxootiyada Soomaali ah ee ku xareesan xeryaha kuyaal dalka Kenya.

 
MSF waxay sheegtey in xiligaan qaxooti badan oo Soomaali ah ay ubahan yihiin daaweyn taaso an sura galiney inay helan haddii ay dib ugu labtaan Soomaaliya.

 
Hay’adda ayaa sidoo kale baaq udirtey dowladda dalka Kenya iyadoona u sheegtey inay joojiyan qorsha lugu doonayo in dib loo celiyo qaxootiyada Soomaali ah ee muddada dheer ku noola dalkeeda.

 
Madaxa hay’adda MSF ee dalka Kenya Elena Vellila oo ka hadashey qorsha lugu doonayo in dib loceliyo qoxoootiyada Soomaali ah ee ku nool Kenya ayaa waxaa ay sheegtey in usan xiligan haboonen qorshahas maadama ay wali kajiraan Soomaaliya dhibaatadii  ay kasoo carareen shacabka Soomaalida.

 
Elena Vellila waa ay sheegtey inay wali sidii ay usii jirto qatartii ay kasoo carareen qaxootiyada Soomaalida taasina an  lo bahneen inay iska indha tiran dowladda Kenya iyo Soomaaliya.

 
Arrintaan ayaa waxaa ay ka danbeysey kadib markii mudadaan danbe ay wadey dowladda Kenya qorsho ay dib ugu soo celineyso kumanaan Soomaali ah oo dalkeda qaxootinimo ku jooga,waxana arrintas ay kawada shaqenayen dowladda Soomaaliya.

 
Waxa qorshahan ay Kenya doonaysa inay ka caawiso iyadoo la kashaneysa hay’adda qaxootiyada aduunka ee UNHCR.

 
Waxana walac xoogan ka mujiyey qorshahaan dadka Soomaali ah ee ku nool xeryaha dalka Kenya iyagoona tilmaamey inan xiligaan lo bahnen in dib loo celiyo.

 

Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles