Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Catherin Ashton oo faah faahin kabixisey shir logahadlayo arrimaha Soomaalida oo ka dhacaya dalka Belgium

$
0
0

catherine-ashton_1

Brussels [RBC Radio]Iyadoo lugu wado in bisha September ee sanadkan 2013 uu ka furmo magaaladda Brussels ee xarunta dalka Belgium shir loga hadlayo arrimaha Soomaalida kaaso la sheegey inuu qaas u yahay Soomaalida , ayaa waxaa markii ugu horeysey ka warbixisey Catherin Ashton oo ah Madaxa arrimaha dibadda iyo siyaasadda ee ururka Midowga Yurub.

 
Catherin Ashton oo saaxafada kula hadashey xarunta Midowga Yurub ayaa sheegey in shirkaan uu yahay mid u gaar ah Soomaalida luguna faaqidi doono danahooda,waxana ay intaa ku dar tey in intiisa badan lugu soo qadi doono dibu u dhiska dalka iyo sidii wadadda saxda ah ee looqadi karo dib usoo nolenta rajada shacabka Soomaalida.

 
Qodobka kale ee shirka dirada lugu saari doono ayaa waxaa uu noqon doona garsoorka kasoo Soomaaliya xiligaan ay ka lidato, iyadoona lagawada hadli doono sidii loo heli laha garsoor cadaal ku dhisan oo Soomaaliya ka hirgala.

 
Shirkaan ayey ku sheegtey Catherin Ashton inuu noqon dono mid ay soo xaadiran madaxadda midowga Yurub, dalalka Midowga Yurub ku jira oo 27 dal,dalaalka arrimaha Soomaalida daneya iyo hay’addo caalami ah.

 
Shir gudoonka shirkaan ayaa waxaa noqon doona sida ay sheegtey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Cattherin Ashton.

 
Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu horey rajo wanagsan uga muujisey shirkas iyadoona sheegtey inuu yahay mid faa’iido ugu fadhiya ummadda Soomaaliyed.

 
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles