Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Taliska AMISOM oo shaaca ka qaaday iney xaqiijin doonaan amniga magaalada Kismaayo iyo Nawaaxigeeda

$
0
0

cali aadan xumad 1Muqdisho(RBC Radio) Taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM  ayaa ka dhawaajiyey iney ka go’an tahay xasilinta amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose,afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika Cali Aadan Xumad oo la hadlay Raadiyaha dowladda Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday in AMISOM ay dooneyso iney xaqiijiso nabadgalyada magaalada Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Afhayeenka ciidamada nabad ilaalinta AMISOM Col. Cali Aadan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka iyo hadafka ciidamada AMISOM ee dalka jooga uu yahay sidii ay gacan u siin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda,wuxuuma ku nuuxnuuxsaday iney qayb weyn ka qaadan doonaan sugidda amniga dalka gaar ahaan magaalada Kismaayo oo ay dhawaan ka dheceen dagaalo uu dhiig ku daatay.

“AMISOM waxay jeceshahay iney ilaaliso nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kismaayo iyo agagaaraheeda,AMISOM waa ciidamo gurmad ah hadii ay dhibaato geystaan waa xisaab meesha taal oo ay taariikhdu qori doonto”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumud afhayeenka ciidanka AMISOM.

Afhayeenka ayaa dhanka kale tilmaamay iney muhim tahay in dowladda Soomaaliya lagu taageero sidii ay baahida shacabka gobolada Jubooyinka u gaari lahayd,wuxuuna ku booriyey dowladda iney kaalinteeda ka ciyaarto nabadaynta gobolada Jubooyinka.

Col. Cali aadan ayaa ku celceliyey in hadafka ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya uu yahay sidii ay ugu hiilin lahaayeen shacabka Soomaaliya ugana hortagi lahaayeen wax walba oo dhibaato ku ah ummadda  Soomaaliyeed.

 

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles