Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20458

Xildhibaan ka tirsanaa mudanayaashii baarlamaankii KMG oo ka digay dhibaato uu sheegay iney Maleegayaan Siyaasiyiinta Nairobi ku shiraya

$
0
0

waqaaMuqdisho(RBC Radio) Siyaasiga Maxamuud Weheliye Waqaa oo ka mid ahaa mudanayaashii baarlamaankii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya ayaa ka digay waxa uu ku sheegay dhibaato ay qaranka Soomaaliyeed la maagan yihiin Siyaasiyiinta dhaqdhaqaaqyada ka wada magaalooyinka Nairobi iyo Kampala.

Maxamuud Weheliye ayaa sheegay iney hayaan xog ku saabsan in Siyaasiyiinta ku shiraya magaalada Nairobi ay doonayaan iney Manjaxaabiyaan dowladda federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in mudadii ay jirtay ay dalka iyo dadka wax weyn u qabatay isagoona tusaale usoo qaatay aqoonsiga caalamiga ah ee ay dowladdu dib ula soo noqotay muddo dheer kadib.

Waqaa ayaaa ka dhawaajiyey in raggan Siyaasiyiinta ah ee kulamada ku yeelanaya wadamada deriska iney wadaa abaabul ay ku doonayaan iney ku dhisaan gole uu magaciisa ku sheegay “Gudiga Badbaado Qaran”sida uu sheegay kaasoo ay ku donayaan iney ku naafeeyaan dadaalada ay dowladdu wado,wuxuuna ku dhaliilay in Siyaasiyiintani ay damacsan yihiin iney qalqal iyo dhibaato ka abuuraan magaalada Muqdisho ee caasimadda sida uu hadalka u yiri.

Siyaasiyiinta oo ay ka mid yihiir R/wasaarayaal dhowr ah oo dalka soo maray ayuu  Maxamuud Waqaa sheegay iney isku dayeen iney iska horkeenaan madaxda dalka gaar ahaan madaxweynaha iyo R/wasaaraha oo raacay waddo ka duwan madaxdii ka horeysay kadib markii ay go’aansadeen iney wadajir iyo khilaaf la’aan ku wada shaqeeyaan markii ay arintaasi u suurta gali weysay ayuu sheegay iney dajiyeen qorshe kale oo ay ku doonayaan iney ku curyaamiyaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Waqaa ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay isha ku hayso dhaqdhaqaaqa raggaas,wuxuuna ugu yeeray madaxda dowladda iney ka hortagaan dhibaato uu sheegay in raggaasi ay dalka kusoo hogaaminayaan,wuxuuna intaa ku daray in dhaqdhaqaaqii ay kasoo bilaabeen magaalada Kampala inuu hadda soo marayo magaalada Nairobi isla markaane ay muhim tahay in laga gaashaanto lagana hortago dhibaatada ay wadaan sida uu hadalka u dhigay Maxamuud.

Shirar ay magaalooyinka Kampala iyo Nairobi maalmihii danbe ku yeelanayeen Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cali Maxamed Geedi,Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,Cali Khaliif Galayd,Cumar C/rashaiid,C/raxmaan Baadiyow iyo rag kale oo si weyn dalka looga yaqaano ayaa waxaa ay abuurtay shaki fara badan oo ku saabsan ujeedka kulamadooda iyo iyo waxa keenay iney Nairobi iyo Kampala ku shirayaan  iyaga oo iskaga kala yimi dunida dacaladeeda,walow qaarkood oo warbaahinta la hadlay ay beeniyeen iney wadaan dhibaato ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20458

Trending Articles