Groowe[RBC Radio]Maxkamada ciidamada qalabka sida Puntland ayaa markii ugu hereysey go’aamisey xukunka ay mutusenayaan labo nin oo lugu eedeyey dilkii Sheeq C/qaadir Nuur Faarax “Gacameey” oo magaaladda Garoowe ee xarunta Puntland kooxo bostoolado ku hubeysan ay ku dilen 15 bishii 2aad ee sanadkaan.
Eedeysanayaasha ayaa kala ahaa Xuseen Jaamac Bile iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed Caynte kuwaaso loo haayay dilkii Sh. C/qaadir Gacameey .
Labadaan nin ayaa mid ka mid ah uu ahaa gacan ku dhiiglihii dilay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax “Gacameey”waxana usoo idlaatey waqtigii ay u haysteen racfaanka iyadoona wax dood ah aysan ka keenin taaso natiijo la’aan ah.
Xeer ilaaliyaha maxkamada sare ciidanka qalabka sida ee Puntland C/Kariin Xasan Firdhiye ayaa u xaqiijiyey warbaahinta guddaha ka howlgasha,waxana uu caddeyey in la riday xukunka labada nin.
C/Kariin Xasan Firdhiye xeer ilaaliyaha maxkamada sare ciidanka qalabka sida ee Puntland waxaa uu sheegey in labadaan nin ee dhalin yarada ah labaduba ay maxkamadu ku ridey xukun dil toogasho ah.
Xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegey in iyagana dadyow kale oo danbigan lugu eedenayey maxkamadu ay ku xukuntey xukun dil ah balse xiligaan ka maqan gacanta dowladda Puntland.
Xiligii uu kuxunka dhamadey ayaa waxaa barxada magaaladda Garoowe cabasho ka dhigey ehelada C/laahi Cismaan Axmed Caynte oo ka mid ah labada nin ee dilka lugu xukumey,waxana ay eheladisa ka cabaneyen xukunka lugu ridey C/laahi Cismaan iyagoona kasoo hor jestey.
C/laahi Cismaan Axmed Caynte ayaa isagu ku eedeysna inuu ka qeyb qatey dilka Sheeqa waxana u dilka ka dib u cararey deegaanada maamulka Soomaaliland iyadoona markiba gacanta lugu soo dhogey luguna soo warejiyey Puntland.
Saxaafadda ayaana ka qayb galin dhagaysiga xukunadaasi kasoo dhacey maalintii shley.
RBC Radio