Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha maamulka degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa iska fogeeyey eedo loo soo jeediyey oo la xiriiray in ciidan isaga ka amar qaatay ay barakicin iyo dhibaatayn ku yahaan shacabka ku dhaqan deegaanka Gubadley ee duleedka Bari ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Gudoomiye Cumar Cabdulle Jacfaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn eedeymaha sheegaya in ciidamo ka amar qaata ay barakicin ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanka Gubadley ,kuwaas oo maalmihii dabe dhigayey Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan dhul boob ay sheegeen in lagu hayo deegaankooda.
Shacabka deegaanka ayaa gudoomiyaha degmada Heliwaa Cumar Jacfaan ku eedeeyey inuu masuul ka yahay ciidamo wata Gaadiidka Cagaf-cagafyada(Baallayaal) burbur ku haya guryahada dadka shacabka ah ee ku nool deegaankaas,waxayna tira dhowr jeer ah Mudaharaad ka hor dhigeen xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyaga oo ka dalbanayey in madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo soo faragaliyo dhul boob baahsan oo ay sheegeen in lagu hayo deegaankooda.
Cumar Cabdulle Jacfaan ayaa tilmaamay in ciidanka la sheegay iney burburinta ka wadaan deegaanka Gubadley ineysan ahayn ciidan ka tirsan kuwa degmada Hiliwaa isla markaane isaga ka amar qaata,wuxuuna daboolka ka qaaday in ciidamadaasi ay leeyihiin talisyo iyo saraakiil xukunta isagune uusan wax lug ah ku lahayn arimahaasi lagu eedeeyey.
RBC Radio
Muqdisho