Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Hargeysa (RBC)- Gudoomiye ku xigeenka saddexaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Cali Guray ayaa markii ugu horaysay bogaadiyey go’aanka madaxweynaha Somaliland shalay ka gaadhay ka qayb galka shirka Somaliya iyo hadalo dhawaan ka soo yeedhay ra’iisal wasaaraaraha Somaliya.
Cali Guray oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta, waxaanu ugu horayn ka hadlay go’aanka ay Somaliland kaga laabtay ka qayb galka shirka London, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaas ka hadlaaya:-
“Wada hadaladii waxay noqodeen wado ku socota sidii fadaraal Somaliya looga samayn lahaa, Somaliyana waxay u dhaqmaysaa oo ay Somaliland ula dhaqmaysaa sidii oo ay tahay gobol ka mida oo yara cadhooday oo la soo maslaxaayo, lacagna gadar siin doonto, dabeetana iska soo noqon doonto”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray bogaadin uu u jeediyey madaxweynaha Somaliland, waxaanu yidhi:-
“madaxweynaha baryahanba waan ku cel celinaynayn in aan shirkaas London la tagi, markaa madaxweynuhu talaabadan uu qaaday waa mid sax ah, waxaanu u qaaday jihadii saxda ahayd, waxaanu mutaystay in aanu ku hablayeyno, waxaanu leenahay halkaas ugala sii dhawaw”
Mar uu ka hadlaayey Md Cali Guray tijaabooyinkii hore ee wada hadalka Somaliya, waxa uu yidhi:-
“wada hadalada Somaliya waynu tijaabinay, tijaabadina may noqon tijaabo wanaagsan, waxay inaga ahayd in la ogolaado in la wada hadlo Somaliya, laabtan sanadood oo aynu la soo taagnayn diidnay iyo yeeli mayno bal mawqifkaas wax ka badala, in aynu wada hadalada ogolaano waynu eegnay”
Cali Guray waxa kale oo uu ka hadlay arrimo la xidhiidha Cali Samatar, si faah faahsan halkan uga dhagayso.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
Raxanreeb-Hargeysa