Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xisbiga Wadani Oo Go’aanka Madaxweyne Siilaanyo Ku Tilmaamay Dhabar Jab Siyaasadeed (Dhageyso)

$
0
0

Ibraahim Mahdi Buubaa Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Wadani

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Hargeysa (RBC)- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Wadani Md Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa sheegay inay xisbi ahaan aanay taageersanayn go’aanka uu madaxweynaha Somaliland dib ugaga noqday ka qayb galka shirka London.

Ibraahim Mahdi Buubaab oo maanta la hadlaayey saxaafada ayaa si adag u naqdiyey hadalka madaxweynaha, isaga oo sheegay inuu ku deg degahay go’aankaas. Waxaanu intaas ku daray in madaxweynaha looga fadhiyey hir galinta shirkii qaran ee lagu baaqay. Waxaana ka mid ahaa hadalkiisii.

“Xag dublimaasiyaadeed marka aanu eegno anagu (Wadani) waxay noola muuqataa qaadacaada uu arrintaas madaxweynuhu ku dhawaaqay inay Somaliland dhaawac ku keenayso. Marka aad siyaasad ku jirto hadalkaagu inuu hadal dublimaasiyadeed ahaado ayaa fiican, madaxweynaha waxaa laga sugaayey hadal aan ahayn waanu ka qayb galayaan iyo kama qayb galayno u dhaxeeya oo ah hadii maqaamkii Somaliland ay xaqa ugu lahayd lagu siinaayo waanu ogolnahay in aanu ku qayb galno, laakin hadii aanay meeqaamkeedi lahayn ka qayb galimayno. Imika waxaa ka muuqata inuu madaxweynuhu soo afjaray oo uu laalay in laga qayb galo shirkaas”

Aragtida kala duwan ee ay ka muujiyeen xisbiyada mucaaridka Somaliland hadalka madaxweynaha ee ku wajahan go’aanka ay xukumadu ka qaadatay shirka London ayaa ku soo beegmaysa xili la wada sugaayey in talo qaran lagaga tashado siyaasada lagu waajihi doono ka qayb galka shirkaasi.

Halkaan hoose ka dhagayso jawaabta uu afhayeenka xisbiga wadani ka bixiyey go’aankaas uu madaxweynaha Somaliland ku dadafeeyey shirka London.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAAN KADHAGEYSO

Hargeysa-Raxanreeb

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles