Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudiga amniga Baarlamaanka oo Sheegay in Baaritaano Deg-deg ah lagu samaynayo Dilalka ka dhaca Muqdisho

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudiga amaanka baarlamaanka federaalka Soomaaaliya ayaa sheegay iney baaritaano deg deg ah lagu samaynayaan dilalka habeenadii ina dhaafay ka dhacayey magaalada ,Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kulan ay maanta magaalada Muqdisho iskugu yimaadeen gudiga amaanka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qaadaa dhigay sidda wax looga qaban karo  dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Siciid Xasan Geedi oo xubin ka ah gudiga difaaaca baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney kulanka ku falanqeeyeen sidii baaritaano dhab ah loogu samayn lahaa halkaay salka ku hayaan dilalka dadka rayidka ah ee kusoo banaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyadoona 24-kii saac ee ugu danbeeyey Muqdisho siyaabo kala duwan loogu toogtay ilaa 3 ruux oo rayid ah.

Xildhibaan Siciid ayaa sheegay in gudiga baarlamaanka ay ka xunyihiin dilalka naxariis darrada ah ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed isla markaane ay jawaab deg deg ah ka sugayaan laamaha amaanka dowlada Soomaaliya oo iyagu u xilsaaray sugida amniga mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay in muddo ah dhegehooda ka raysteen maqalka dhawaqa rasaasta iyo dilalka qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho ayaa Todobaadkii u danbeeyey waxaa kusoo badanayey dilal loo geystay dad fara kuwaas oo aan la ogeyn cidda ka danbeysa  walow ay dowladu sheegtay iney baaritaano ku hayso arintaaas,shabaab ayaa dhankooda iska fogeeyey iney wax lug ah ku leeyihiin dilalkaas waxayna eeda dusha kaga tuureen dowlada Soomaaliya.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles