Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka gobolka Hiiraan oo shacabka ka dalbaday iney kala shaqeeyaan xaqiijinta amniga gobolkaas

$
0
0

beldweyneeBeledweyne(RBC Radio) Maamulka gobolka Hiiraan ayaa baaq u diray dhacabka ku dhaan gobolkaas,gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo warbaahinta la hadlay ayaa ku booriyey shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan iney gacamaha isqabsadaan isla markaane ay u midoobaan sugidda amniga gobolkaas iyo horumarintiisaba.

Gudoomiye Cabdi Faarax Laqanyo ayaa tilmaamay in amnigu uu yahay furaha  horumarka gobolka,wuxuuna ka dalbaday iney maamulka gobolka kala shaqeeyaan sugidda amniga,wuxuuna daboolka ka qaaday in maamulka uu hogaaminayo uu ahmiyadda Koowaad siinayo sugidda nabadgalyada gobolka.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa dhanka kale shacabka ku booriyey iney maamulka iyo ciidamada gacan ka siiyaan sidii alshabaab looga saari lahaa deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan si maamulka iyo adeegyada kale loo gaarsiiyo.

Maamulka gobolka ayaa gacanta ku haya magaalada beledweyne ee xarunta gobolkaas iyo degmada Matabaan ,waxaana wali gacanta maamulka ka maqan dhammaan degmooyinka kale ee gobolkaas oo ay ka mid yihiin Buula-barde,Jalalaqsi iyo Maxaas.

 

 

RBC Radio

 

 

 

 

 

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles