Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka Soomaaliland oo maanta dib u fasaxay Duulimaadyada Diyaaradaha Qaramada Midoobay oo ay dhawaan Mamnuuceen

$
0
0

maxamuud Xaashi CabdiHargeysa(RBC Radio) Maamulka Soomaaliland ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xayiraadii ka qaaday Duulimaadyada Diyaaradaha Qaramada Midoobay oo ay 2 Bilood ka hor ka mamnuuceen deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland,Wasiirka duulista Hawada maamulka Soomaaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo shir Jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka Cigaal ee magaalada Hargaeysa ayaa ku dhawaaqay iney dib u fasaxeen Duulimaadyada Diyaaradaha Qaramada Midoobay.

Wasiirka ayaa ku micneeyey sababihii ay Soomaaliland u xannibtay Duulimaadyada Diyaaradaha Qaramada Midoobay ay ku imaan jireen deegaanadaas,wuxuuna tilmaamay in kadib markii 15kii bishii May  Qaramada Modoobay ay maamulka hawada Soomaaliland ay ku wareejisay Soomaaliya iyada oo aan kala tashan Maamulkooda intaasi ay keentay iney Joojiyaan gabi ahaanba Duulimaadyada Q/M.

Maxamuud Xaashi Cabdi Wasiirka Gaadiidka Duulista Hawada maamulka Soomaaliland ayaa la weydiiyey waxa isbedelay ee keenay iney dib markale u ogolaadaan Duulimaayada Diyaaradaha Qaramada Midoobay,wuxuuna u aaneeyey 2 qodob oo uu sheegay iney tixgaliyeen.

“Annagu maanta waxaan dooneynaa inaan niyad-sami ku galno heshiiskii Turkiga ee aan la galnay walaalaha Soomaaliya,waxaan rabnaa in bog cusub la furo,waxaan kaloo garawsannay in Qaramada Midoobay ay dalka ka waday hawlo aadaninimo si aan taa u dhiiri galino iyane qayb ayey ka tahay sababaha aan dib ugu fasaxnay Duulimaadyada Qaramada Midoobay” ayuu yiri Maxamuud Xaashi Cabdi.

Wasiirka Duulista Soomaaliland ayaa ku sheegay heshiiska ay magaalada Istanbuul ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland inuu ahaa mid sax ah oo u danaynaya Maslaxadda labada dhinac,wuxuuna tilmaamay in heshiiska laga gaaray maamulka Hawadu uu horseedi doono nabadgalyo iyo inuu saansaan wanaagsan u yahay in Soomaalidu ay wax ku heshiin karaan.

Wasiirka ayaa dhanka kale ka hadlay goorta sida rasmiga ah Hargeysa looga furayo xafiiska laga maamulayo hawada Soomaaliya,wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya arimahaasi.

“Waxaan rabnaa Marka ay dhammaato bisha Barakaysan ee Ramadaan  inaan xiriiro  3 geesood ka wada Samayno arimahaas,Annaga,dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay,waxaan cadaynayaa in Sanadka 2014 bishiisa Koowaad in maamulka hawada Soomaaliya uu kusoo wareegi doono gacan Soomaaliyeed”sidaasi waxaa yiri wasiirka Duulista hawada maamulka Soomaaliland Maxamuud xaashi Cabdi.

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles