Baydhabo(RBC Radio) Saraakiisha ugu saraysa ee ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka ay ciidamada Ethiopia uga bexeen xarunta gobolka Baay ee Baydhabo,Col Xasan Maxamed oo ku magac dheer Xasan Baydhabo ayaa sheegay in ciidanka Ethiopia ay u bexeen qorshe dagaal oo sida uu sheegay ay ku doonayaan iney alshabaab kaga sifeeyeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada Baay,Bakool iyo Gedo.
Col. Xasan Baydhabo ayaa sheegay in tallaabadani ay ka danbeysay kadib markii uu magaalada Baydhabo dhawaan gaaray R/wasaare Saacid oo uu wehlinayo wasiirkiisa Gaashaandhigga C/xakiin Fiqi oo sida uu sheegay wahadal la qaatay saraakiisha hogaaminaya ciidanka Ethiopia,wuxuuna tilmaamay in lagu heshiiyey in ciidanka Ethiopia ay banneeyaan magaalada Baydhabo isla markaane ay goobaha ay ka baxaan la wareegaan ciidanka nabad ilaalinta AMISOM ee halkaa ku sugan.
Sarkaalkan sare ee ka tirsan ciidamada dowladda oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in ciidamada Ethiopia aysan gabi ahaan dalka ka bixin balse ay ku wajahan yihiin sida uu sheegay degmooyin ay ka mid yihiin Diinsoor,Ufurow,Baardheer,Buurdhuubo iyo Bu’aalo oo ka kala tirsan gobolada Baay,Bakool,Gedo iyo Jubada dhexe.
Col. Xasan Baydhabo ayaa tilmaamay in ujeedka ay markii horaba ciidamada Ethiopia usoo galeen gudaha Soomaaliya uu ahaa iney alshabaab ka saaraan magaalooyinka ay gacanta ku hayaan kadibne ay ku wareejiyaan ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Muuqaalka magaalada Baydhabo ayaa maanta ka duwan sidii uu ahaa sanadihii u danbeeyey oo ay amniga magaalada gacanta ku hayeen ciidamada Ethiopia oo alshabaab dagaal kaga saaray magaalada,goobihii ay banneeyeen ciidamada Ethiopia ayaa waxaa xiligan ku sugan saraakiil iyo ciidamo dowladda ah,waxaana lagu wadaa iney saacadaha soo socda fariisimo ka samaystaan ciidanka AMISOM oo xiligan magaalada kaga sugan Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo.
Dhawaan ayuu R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shiirdoon ku dhawaaqay qorshe cusub oo uu ugu magac daray “Shabeel” kaasoo uu sheegay in ciidamada qalabka sida oo kaashanaya kuwa AMISOM iney alshabaab kaga saari doonaan deegaanada ay kaga sugan yihiin dalka,lama oga in tallaabada ay ciidamada Ethiopia uga ruqaansadeen magaalada Baydhabo iney qayb ka tahay qorshaha dowladdu ay waddo iyo in kale,masuuliyiinta sare ee dowladda iyo maamulka gobolka Baay ayaa wali si rasmi ah uga hadlin bixitaanka ciidamada Ethiopia.
RBC Radio